Doorashada Madaxweynaha Kenya oo Maanta Loo Dareeray

0

Uhuru Kenyatta oo la hadley taageerayaashiisa ayaa u sheegay in markii ay codkooda dhiibtaan ay guryahooda aadan, booqdaan dersiyadooda, cassumaad isu fidiyaan, kadibna ay sugaan natiijada. Sida laga soo xiganayo hay’adaha baaritaanka ku sameeya cidda ku guuleysan karta doorashada ayaa sheegaya in labada nin si weyn isugu dhaw yihiin. Odinga oo looga guuleystey doorashooyinkii 2007 iyo 2013 ayaa ka digey in lagu shubto doorashada. Doorashadii 2007 rabshado ka dhashey waxaa lagu diley 1100 oo qof dad ka badan nus Malyuun ayaa lagu khasbey in ay ka baxsadaan guryahooda, waxaana maxkamadda caalamiga ah denbiyo ku soo oggtey Madaxweynaha hadda xilka haya iyo ku-xigeenkiisa. Raila Odinga oo ah 72 sano jir ayaa tartan u yahay markii afaraad iyo kii u danbeeyey. Waxaa si weyn cabsi looga qabaa weeraro ka dhaca gobolada xeebta iyo waqooyi bari, waxaa al-Shabaab ka tirsan Malayshiaad badan oo ka soo jeeda dalka Kenya, kuwaas oo ku hanjabey cidii ka qaybqaadata doorashada in ay dilayaan.   Goojacade NEWS]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here