Dowlada oo 48 saacadood u qabatey dhameystirka Xildhibaanada Hirshabelle

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ku amartay Odayaasha dhaqanka inay muddo 48 saacadood gudahood ku soo gudbiyaan Liiska xubnaha u metelaya Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabelle. Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaliya Pro Yaxye Cali Ibraahim oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe inay si deg deg ah ku soo dhameystiraan Xildhibaannada Maamulka Hirshabeelle. Pro Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayso arinta maamul u sameynta islamarkaana maalmaha soo socda laguda gali doono dhaarinta Xildhibaanada Cusub ee Maamul Goboleedka Hirshabelle. Ergada Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa dhawaan ansixisay Calanka maamulka, magaca oo laga dhigay Hirshabeelle, dastuurka, islamarkaana waxaa u dhiman dhaarinta xildhibaannada oo iyana waqti aan fogeyn la filayo inay ku qabsoonto hoolka shirarka magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Goboleedka Hirshabelle. 15-ka bishaan October sida Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya ay shaacisay waxaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada madaxtinimada ee maamulka Hirshabeelle oo ilaa haatan ay u tagaan yihiin musharixiin dhowr ah.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here