Dowlada Ruushka oo Soomaaliya u dhiseysa ciidankii bedeli lahaa kuwa AMISOM

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in dowladda Ruushka ay dowladda Soomaaliya u diyaarin doono ciidankii badali lahaa kuwa midowga Afrika ee AMISOM. Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay safar shaqo oo uu ku tagay dalka Ruusha waxaa uu kala hadlay horumarinta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. “Runtii madaxda dowlada ruushka waxay noo muujiyeen iney daneynayaan sidii ay kaalin xoogan uga qaadan lahaayeen xoojinta ciidamada qalabka sida” ayuu yiri raisul wasaaraha. Ciidanka AMISOM ayaa muddo dheer jooga dalka Soomaaliya, waxaana qaar ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ay sheegeen inay haboon tahy in la la dhiso ciidan Soomaaliyeed oo awood leh kuwaasoo bedeli kara ciidamada AMISOM oo muddo toban sano ah jooga dalka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here