Dowlada Somalia oo iska fogaysay inay askareyso ama adeegsato caruurta

0

Wargeyska lagu Magacaabo Washingtonpost ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa baahiyay Warbixin sheegeysa in Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay howlo basaasnimo ah u adeegsato Caruurta aan weli qaan gaarin ee horay uga soo goostay ururka Al Shabaab, ayaa waxaa Arrintaasi beenisay Dowladda Soomaaliya. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukumadda Soomaaliya Daahir Cabdi C/llaahi oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin eeda ah in Hay’adda NISA ay adeegsato ama askareyso Caruur aan weli qaan gaarin. Daahir Cabdi C/llaahi ayaa sheegay in ay Wasaaraddu ay booqatay Xabsiyada lagu xiro Caruurta ka soo baxday Shabaab islamarkaana ay arkeen oo kaliya iyadoo Waxbarasho la siinayo Caruurtaas, balse aysan jirin wax dhib ah oo ay la kulmaan Caruurtaas. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa markii ay soo baxday warbixinta Wargeysku uu qoray waxaa uu Magacaabay Guddi Wasiiro u badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Amniga, iyadoo ujeedka loo Magacaabay Guddigaas uu yahay in ay baaritaan ku sameeyaan waxa ka jira eedeymaha loo jeediyay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here