Dowladaha Itoobiya iyo Uganda oo ku heshiiyey hal arrin oo Soomaaliya ku saabsan

0

Muqdisho (Goojacade.com)- Waxaa dhawaan kulan xasaasi ah wada qaatay hoggaamiyayaasha dalalka Uganda iyo Itoobiya kuwaas oo ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ugu muhiimsaneyd isbadalkii weynaa ee ka dhacay Soomaaliya.

Haddaba waxaa saxaafadda la hadlay Ra’isulwasaaraha Itooniya Hailemariam Desalegn oo sharaxaad ka bixiyey waxyaabihii ay ku heshiiyeen labada dowladood intii uu socdaa kulankii ay yesheen. Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa saxaafadda u sheegay in labada dowladood ay ku heshiiyeen sidii Al-Shabaab iskaashi weyn uga yeelan lahaayeen la dagaalanka Ururka Al-Shabaab oo awood weyn u leh gudaha Soomaaliya. Ra’isulwasaaraha ayaa ka dhawaajiyey inay Al-Shabaab dhibaato weyn ku lahaayeen wadamada Geeska Africa gaar ahaan wuxuu farta ku fiiqay Dowladda Itoobiya, sidoo kalana  wuxuu sheegay  in ay ka go’an tahay in la ciribtiro Al-Shabaab madaam ayuu yiri ay dhibaato badan ay ku hayaan geeska Afrika. Dowladda Uganda waa dowladda ugu badan oo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya sidoo kalana waa dowladdii ugu horreysay ee dalka usoo dirto ciidamo markii hore loo aqoon jiray nabad ilaaliyaal waxayna iyadana ka dhawaajisay inay laba jibaari doonto.
Ciidammada Itoobiya ayaa howlgalkooda ugu balaaran ka fuliya gobollada Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan oo ay ka joogaan ciidamada ugu badan ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM waxaana la filayey sida ay sheegtay dowladda Itoobiya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya. Dadka siyaasadda falanqeeyo ayaa far ku laabay ujeedka heshiiska dhex maray labada dowladood waxaana la is waydiinayaa sababta kusoo aadisay markii uu Farmaajo ka dhawaajiyey inay dowladiisa dhisi doonto ciidamadii qalabka sida ay Soomaaliya. Goojacade.com Xafiiska Muqdisho Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here