DOWLADDA SOOMAALIYA OO SHAQAALAYSIINAYSA AGAASIMAYAAL AY CAARISAY SOMALILAND

0
wasiir cabdiraxmaan ducaale beyle

Dowladda Federaal Soomaaliya ayaa shaqaalaysiinaysa shan (5) Agaasime-waaxeed oo shalay shaqada ay ka cayrisay Somaliland, sida ay ogaatay warbaahinta PUNTLAND POST.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa war-saxaafedeed aan wali la baahin, balse ay heshay PUNTLAND POST, ku sheegay in dowladda Federaalka oo ka duulaysa qiimeynta weyn ee ay siiso dhalinyarada aqoonta u leh arrimaha dowladda ay gacmo furan ku soo dhaweynayso Agaasimayaashii shalay laga cayriyay Wasaaradda Hormarinta Maaliyadda maamulka Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegtay in shanta (5) Agaasime-waaaxeed ee Somaliland shaqada ka cayrisay ay ahaayeen kuwii ugu firfircoonaa oo xeeldheerinimo iyo khibrad u lahaa Wasaaradda Maaliyadda maamulkaas, sidoo kale ay shahaadooyinka darajada labaad ka gaaray aqoonta la xiriirta dib u habaynta maaliyadda.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheeegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay horey gamco furan ugu soo dhaweysay 42 shaqaale ah oo ka shaqaynayay garoonka diyaaradaha Hargeysa, kuwaas oo dhawaan Somaliland ku sameysay shoqo joojin, markii hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulumaadka hawada ee ICAO ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay xustay in ay mar walba heegan ugu jirto shaqo abuurka dhalinyarada gobolka kasta oo ay ku nool yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here