Dr Cali Ciise Cabdi oo isu sharaxaya Madaxweynaha Puntland iyo guul balaadhan oo loo rajeynayo

0
Dr Cali Ciise Cabdi oo ah xeeldheere ku takhakhusay Dhaqaalaha iyo Maamulka ayaa la xaqiijinayaa inuu isu sharaxayo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland.

Cali Ciise oo ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa is sharaxaadiisu wax weyn ka bedeli doontaa Siyaasada Puntland, isagoo shacabku u arkaan inuu yahay ninka keliya ee badbaadin kara Puntland.

Haddii Cali Ciise Cabdi isu sharaxo Madaxtinimada Puntland wuxuu noqonayaa shaqsigii ugu cuslaa ee weligiis Puntland isu sharaxa, waxaana la saadaalinayaa in Xildhibaanada Puntland ay cod aqlabiyad ah ku dooran doonaan, taasoo meesha ka saaraysa hagbadii Maxamuud Saleebaan ee Puntland ka jirtay.

Siyaasi aad ugu dhow Cali Ciise Cabdi oo magaciisa in la faafiyo diiday ayaa shebakada xaysimo.com u xaqiijiyey inuu Dr Cali sharaxan yahay.

Sharaxaada iyo guusha Cali Ciise ayaa caqabad weyn ku noqon doonta Somaliland iyo siyaasadii ay 27 sano ka soo shaqaynaysay.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here