Dr. Farole oo ku baaqay nabad iyo in M Xasan Sheekh Gaalkacyo yimaado

0

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,ka dib markii uu shir Saxaafadeed ku qabtay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland. Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Madaxda Maamulada Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Dawlada Soomaaliya ee Gaalkacyo ka wada Nabadaynta. Farole ayaa ku baaqay in xal deg deg ah laga gaaro xaaladda Gaalkacyo,si buu yiri aysan uso noqon dhibaatada taagan. Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sheegay inay jiraan tuhumo Siyaasadeed,sidaa darteedna loo baahan yahay inuu Xassan Sheekh uu tago magaalada Gaalkacyo. Farole ayaa sheegay in maqnaanshaha Xassan Sheekh uu kor u qaadayo tuhumada jira,xilli Madaxweynaha Dawlada Puntland uu sheegay in dagaalka Gaalkacyo ay ka dambayso Dawlada Soomaaliya. Hoos Ka Dhagayso Codka: ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here