Dukaamo ay Soomaalida Koonfur Afrika leedahay oo la boobay

0
Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika waxay sheegayaan in dukaamo ay soomaalida ku leeday dalkaasi la boobay.

Cabdi Mahad Bilow Kunow oo kamid ganacsatada boobka loo geystay ayaa BBC u sheegay in ilaa toddobo dukaan la boobay isla markaasna ay ka carareen kooxda weerarka kusoo qaaday.

“Afar qof ayaan ku joognay..markii aan aragnay inay yihiin ilaa kontomeeyo oo aan waxbo ka qaban karin,waan iskaaga cararnay. meel duur ayaan gaarnay ilaa labo saacadood ayay dukaanka dhex cayeen” ayuu yiri Cabdi Mahad.

Goobaha ganacsiga la boobay waxay ku yaallern deegaan ka tirsan gobolka Limpopo Limpopo ee dalka Koonfur Afrika.

Waxaa uu intaasi ku daray in marki dambe ay booliska usoo gurmadeen si noloshooda loo badbaadiyo.

Dadka deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay biyo iyo koronto la’aan ka jirto deegaanka.

Cabdi Mahad ayaa sidoo kale in weerarka lagu soo qaaday soomaalida ay ku dhaawacmeen labo qof.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here