Duqa Muqdisho: Ciidamada Malatariga ayaa qayb ka ah Amnidarada Magaalada ka jirta

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo la hadlay idaacada Voa-da ayaa sheegay in Ciidamada Millateriga hubaysan ee Magaalada jooga, xilliyada qaar inay ka qayb qaataan amnidarada Magaalada ka dhacda, sidoo kalena ay fududeeyaan weerarada Shabaabka. “Sababta waxaa keenaysa ciidamadii Milateriga furumaha u socday iyo kuwii ka yimid, Xeryihii Millateriga ee ciidanka Millateriga waa bur bureen dalka uu lahaa, maadaama aysan jirin Xeryo oo ciidanka ay ku hakadaan waa ay dhaceysaa inay hubka la dhex maraan Magaalada.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Duqa Muqdisho oo la hadlay Idaacada VOA. Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sheegay in Xarakada Al-shabaab weerarada ka fuliya Gudaha Muqdisho ay xirtaan Tuutaha ciidamada dowlada soomaliya islamarkaana aan lakala saari Karin askariga iyo Shabaab.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here