Duqeeymo la la beegsaday fariisimo Al Shabaab ku leeyihiin duleedka Beled-weyne

0
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in duqeeymo Al-Shabaab halkaasi lagu la eegtay.

Duqeyntaan ayaa waxa ay ka dhacday deegaano aay ka mid yihiin Galxamur Abootu Salawle iyo waliba Astaani oo dhammaantood dhaca bariga magaalada Beledweyne.

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Gaashanlle Maxamed Macoow Xalane xaqiijiyay duqeeymahaasi ay ka dhaceen deegano hoosyimaada maagalada Beledweyne islamarkaasina la la eegtay fariisimo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.

Wali si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay duqeeymahaan.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here