Ehlusuna oo beenisay in ay ka baxeen Dhuusamareeb iyo degaano kale

0

Maamulka ahlusna waljamacee ah ee Gobolada dhexe ka arimiya ayaa shaaca ka qaaday inay waxba kama jiraan ku tilmaamay in Ahlusuna ay banaysay Magaalada Dhuusomareeb & Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Galguduud. Alusuna waxaa ay sheegtay inay Dhulkooda joogayaan, waxaana Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Ahlusuna ay sheegeen in la faa fiyay warar been abuur ah oo sheegaya in Ahlusuna Ciidanka Itoobiya ay dheheen ka baxa deegaanada aad gacanta ku haysaan. Docda kalena Ahlusuna waxaa ay sheegtay inaysan wax taageero ah ka helin Dalwadda Iiraan waxaana ay ku eedaysay in barabukaandadaas ay fifinayaan kooxo Cadow ku ah Ahlusuna sida uu sheegay Madaxa Arimaha Bulshada ee Maamulka Ahlusuna u qaabilsan Degmada Dhuusomareeb. Todobaakii hore ayaa Warbaahintu baahisay in Ahlusuna ka baxeen Dhuusomareeb kadib amar kasoo baxay Dwladda Itoobiya Ciidankeeda ka Jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah Hawlgalka AMISOM. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here