Ethiopia oo Hal Talaabo u soo Qaaday U Dhaawanshaha Madaxweyne Farmaajo.

0

Dowlada Ethiopiya ayaa Bilowday Marki Ugu Horeysay Qaabab Kale oo ay ugu soo dhawaan karto Dowlada Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Dowlada Itoobiya ayaa Gargaar Raashin ah oo loogu Talagalay dadka ay Abaaruhu Sameeyen waxay ku Wareejisay Dowlada Soomaliya.

Raashinkan ayaa waxaa Loogu Talagalay in loogu Gurmaado dadka Soomaliyeed Ee Abaaruhu saameyeen ee Ku sugan Gobolada iyo Duleedka Magaalada Muqdisho.

wasaarada Gargaarka ee Xukumada Soomaliya ayaa Dowlada Itoobiya kala wareegtay Raashinkan Gargaar ee Gaaraya 18 Baabur.

Safiirka Dowlada Itoobiya ee Soomaliya Jamaludin Mustafe ayaa Sheegay in Dowlada Itoobiya ay diyaar uu tahay in ay ka Qeybqaato Hawlaha Gargaar ee ka soconaya Dalka.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gargaarka Iyo Masiiboyinka ee xukumada Soomaliya Mudane Xil Cilmi Cumar Cilmi [Caynsaane] ayaa sheegay in Dowlada Itoobiya ay kala wareegen Raashinka Gargaarka ah.

Goojacade.com

Muqdisho-Soomaliya

Email:-Goojacadewebsite@gmail.com

 ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here