Ethiopia oo Wasaarad muhiim ah u baadi-goobeysa C/rashiid Xiddig (Ujeedka)

0

Muqdisho (Goojacade.com)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Ethiopia ay bilowday faragalinta dhismaha Xukuumada cusub ee dhawaan la filaayo in lagu dhawaaqo.

Dowlada Ethiopia ayaa faragalinta u adeegsaneysa Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo isagu dadaal ugu jira sida Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig uu ku noqon lahaa Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada cusub. Axmed Madoobe oo tallo ku leh xulista Golaha Wasiirada ayaa la sheegay in Madaxweynaha JFS iyo Ra’isul wasaaraha uu u gudbiyay Arjiga Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo la doonaayo in laga dhigo Wasiirka Gaashandhiga. Dowlada Ethiopia iyo Axmed Madoobe, ayaa doonaaya in Xiddig uu kamid noqdo tirada Xildhibaan ee la saadaalinaayo inay kamid noqdaan Xukuumada, waxa uuna Madoobe ku dadaalayaa sida Xiddig uu xilkaasi ku heli lahaa. Dowlada Ethiopia ayaa adeegsaneysa Hogaamiyaha Jubbaland, maadaama Siyaasad ahaan ay isku dhacsan yihiin Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.
Sidoo kale, Xiddig ayaa waxaa isna wata Dowlada Ethiopia oo muddo fog ay wada shaqeynayaan, waxaana mar waliba suuragal noqon karta inuu helo xilkaasi ama uu waayo, walow Axmed Madoobe uu juhdi ku bixinaayo soo dhicinta xilkaasi. Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo qudhiisa ayaa ka fiirsanaaya in xil uu u dhiibo Shaqsiyaad u dhaga nugul Dowladaha faragalinta ku haya arrimaha Somalia oo ay ugu horeeyan Ethiopia iyo Kenya. Goojacade.com Xafiiska Muqdisho Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here