Faah faahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay gobolka Bay

0

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Goof-gaduud oo ka tirsan gobolka Baay, waxaana uu dagaalka ka dambeeyay kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo Al-shabaab weli dagaalkan aysan wax war ah ka soo saarin. Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif oo ah Abaanduulaha guud ee ciidanka xoogga dalka ee Qeybta 60-aad oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dagaalka Shabaab ay soo qaadeen uu ahaa mid qorsheysan laakiin ay ka hortageen. Abaanduulaha guud ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in khasaare badan ay gaarsiiyeen dagaalyahanada Shabaab oo ay ka dileen 15 Askari, sidoo kalena waxa uu sheegay in dhankooda uu soo gaaray khasaare yar. Mudooyinkii dambe Al-shabaab ayaa waxa ay xoojinayeen weerarada ay ku qaadaan fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gobolada dalka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here