Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay qarax gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay afafka Hore Hotelka Wardheere oo saaran Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho sidoo kalana u dhow saldhiga Degmada Waabari. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa lagu xiray gaari islamarkaana ujeedka uu ahaa in lagu qaarijiyo Ganacsade Xuseen jaamici oo kamid ah Ganacsatada Soomaliyeed islamarkaana goob Ganacsi ku leh Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. “Ujeedka qaraxa waxa uu ahaa in lagu qaarijo Ganacsade Xuseen jaamici oo kamid ah Ganacsatada Soomaliyeed markuu Gaariga ka dagtay kadib ayuu qaraxa dhacay, dhaawac yar ayaa kasoo gaaray dhanka wajiga, haatan xaaladiisa waxa ay tahay mid aad u wanaagsan” ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane. Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir mudane C/fitaax Cumar Xalane ayaa ku eedeeyay Al-shabaab In ay usoo jeesteen beegsiga shacabka Soomaliyeed.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.