Faah faahin qaraxyadii ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya labo qarax oo loo adeegsaday gaari, kuwaasoo ka dhacay meel ku dhow albaabka Madiino Gate ee laga galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo Hotelka Peace. Wararku waxay sheegayaan in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa hotel Peace oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha, waxaana hotelka sanadkii hore lagu qabtay shirkii madaxda urur goboleedka IGAD, warku wuxuu intaa ku darayaa in hotelka ay xiligaas ku sugnaayeen ajaaniib iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka. Khasaaraha ka dhashay weerarka qaraxa ayaa u badan dhimasho soo gaartay ciidamadii ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay, Laakiin waxaa soo baxaya inuu jiro burbur hantiyadeed oo aad u badan. Wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan toban ruux ay ku dhinteen qaraxan tiro labaatan ahna ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyeed ayaa sheegaya in waxyeelada ugu badan soo gaaray ciidamadda ku sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay. Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale la sheegayaa inay waxyeelo kasoo gaartay qaraxyada. Qaraxyadan oo maantii labaad ee sanadkan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ah kii ugu horeeyay sanadkan cusub 2017, hase yeeshee 26kii bishii July ee sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa qarax ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa lagu soo raray uu ka dhacay meel ku dhow albaabka xerada Xalane. Masuuliyada qaraxa waxaa sheegtay Al-shabaab, waxaana ay sheegeen iney qaraxaasi ay ku dileen ciidamo badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib. Shabakadaha taageera ururka Alshabaab ayaa daabacay mas’uuliyada qaraxa. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here