FAAHFAAHIN DIIWAANGELINTA GOBOLKA SOOL IYO SAADAASHA TIRADA LAGA FILAYO

0

Waxaa degaamadii aan doorashooyinku ka dhici jirin ee Gobolka Sool ka socota Diiwaangelinta Doorashooyinka Somaliland, taasoo bilaabantay 23.8.2016. Inkastoo isdiiwaangelintu aad uga hoosayso sidii la filayey, hadana si baahsan ayey degaamada badankooda uga socotaa. MAGAALADDA LAASCAANOOD: Magaalada Laascaanood gudaheeda Isdiiwaangelintu si habsami ah ayey uga socotaa, 10 gobood ayaa layska diiwaangelinayaa, badankooduna maalin oo dhan way camiran yihiin. Dadku waxay ku cabanayaan in goobaha diiwaangelintu ay aad u yar yihiin ama aanay isku dheelitirayn, qaarkood waxay ku yaaliin meelo leexsan oo aan dadku arki karin, qaarkood waxay ku yaaliin dabaq aanay fuuli karin dadka waaweyn iyo curyaamiinta sida Bisha Cas. Xaafadaha laga cabanayo waxaa u badan kuwa shacabkdoodu aanay horey Somaliland u aaminsanayn sida Maxamuud Barri, waxayna eedaynayaan isu dheelitir la’aan Komishanka Gobolka, iyo arimo qabyaaladeed, waxaanay muujinayaan in aanay ku kalsoonayn u dacwoodka Komishanka Qaranka iyo Xukuumadda oo ugu muuqda inay raali ka yihiin. Isku soo wada duubo shacabka Laascaanood isma wada diiwaangelin doono, waxaase la saadaalinayaa in Laascaanood gudaheeda ay iska diiwaangeliyaan ilaa 40000 oo qof. ADHICADEEYE, YAGOORI, YEYLE IYO BARRIGA LAASCAANOOD: Degaamadan Isdiiwaangelintu way ka socotaa haba ku kala xoog badnaatee, isdiiwaangelin buuxdaana ka dhici mayso, laakiin waxaa la filayaa inay iska diiwaangeliyaan 12000 oo qof in ka badan. HAWDKA LAASCAANOOD: Inkastoo ay jiraan duruufo dhowr ah, hadana meelo badan ayey diiwaangelintu ka socotaa, degaano balaadhan oo ay u badan yihiin Beelaha Ugaasyadu ayaa loo diiday in la geeyo goobo ay iska diiwaangeliyaan, iyagoo ku hungoobay codsiyo ay u gudbisteen Xukuumada, Komishanka iyo Xisbiyada, colaada labada Reer ee Baharsame iyo Qayaad, iyana saameyn weyn ayey ku yeelanaysaa. Duruuf kastaa ha jirtee waxaa la qiyaasayaa inay ilaa 9000 oo qof iska diiwaangeliyaan. DEGMADA XUDDUN: Degmada Xuddun dhowrkii maalmood ee ugu horeeyey waxaa isdiiwaangelinta hoos u dhigay lacago dhagaraysan oo muran iyo khilaaf ka abuuray qoysaska dhexdiisa ah, oo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi uu beelaha u qaybiyey, hadase way soo roonaanaysaa oo Isdiiwaangelintu meelo badan ayey ka socotaa, waxaana la tilmaamayaa in aanay ka yaraan doonin 10000 oo qof. DEGMADA TALEEX: Magaalada Taleex gudaheeda iyo hareeraheeda (Nuur Axmed Barri) diiwaangelintu aad ayey u hoosaysaa, iyadana waxaa saameeyey lacag 55 000 oo dollar gaadhaysa oo loo xambaariyey labo ka mid ah Xildhibaanada Isxambaarka ka ah Hargeysa. Arintani waxay keentay canaad iyo cagojiid badan, ilaa hada waxaa la sheegayaa inay ilaa 2500 oo qof isdiiwaangeliyeen, taasoo ah mid aad uga hooseysa qiyaastii la filayey. Beelaha kale ee Galool Oriye sida, Maxamuud Ugaadhyahan, Cumar Wacays iyo Wacays Cabdulle ayaa laga rajeynayaa in layska diiwaangeliyo, waxaana la filayaa in Degmada Taleex ay iska diiwaangeliyaan 8000 oo qof. SAADAASHA GOBOLKA OO AAN CAYNABO KU JIRIN: Inkastoo ay qiyaastu ka yaraan karto ama ka badan karto, degaan kastana dadka badankiisu aanay Isdiiwaangelinayn, duruufo badanina jiraan, hadana waxaa la saadaalinyaa in tirada Isdiiwaangelinta ee Gobolka Sool oo aan Caynabo ku jirin, horena aan doorashadu uga dhici jirin ay gaadhi ama ku dhowaan doonto 79000. haddii aan isbedel kale ku imaan. DEGAAMADA AAN DIIWAANGELINTU KA DHICIN: Diiwaangelintu waxaanay ka qabsoomin degaamada Puntland u sii jeeda, 90 KM oo ka tirsan Xuduudka Gobolka Sool ah, laga bilaabo degaanka Gambadhe ilaa Yoocada oo u sii raacsan dhanka xuduudka Itoobiya, waxaana hoos yimaada degaamo waaweyn oo ay ka mid yihiin Tukaraq, Degmada Boocame, Buurowadal iyo kuwo kale fara badan. SABABAHA HOOS U DHIGAY ISDIIWAANGELINTA: Komishanka Qaranka oo aan wax ahmiyad iyo tixgelin weyn siinin Isdiiwaangelinta Gobolka Sool, haday tahay in degaamada la wada gaarsiiyo goobihii Diiwaangelinta, qorshaynta meesha ku haboon iyo sidii dadka loogu hawlyarayn lahaa, qiimaynta duruufaha gaarka ah ee Gobolkaa ka jira, wacyigelin xumo, maamul xumo waqtiga diyaargarowga (Laascaanood goobaha qaarkood diiwaangelintu waxay bilaabantay gelinkii dambe, dhulka dibadaha 24.8.2016, halka kuwo ciladi ku timidna ay ka dambeeyeen oo waqti badan qaateen, iyadoo ay yaraayeen farsamo yaqaanada heeganka ah), Maamul Xumada komishanku waxay cuntay waqtigii dadku xaqa u lahaa, iyadoo ay ku waajibtay inay magdhabaan waqtigii ay lumiyeen. Maamul Xumo wacgelinta Xukuumada taasoo keentay isqabqabsi iyo murug Beelaha dhexdooda. Siyaasiyiin iyo waxgarad badan oo qaba in Heshiiskii Awrboogeys uu burburay oo la sariftay, taas oo ka socota dhanka Wasiirka awooda badan ee Madaxtooyada. Sadexda Xisbi oo ka shakisan ama aan hubin cida ka faaiidi doonta codka degaamadan Cusub, mana jirto Xisbi ahmiyad gaar ah siiyey, marka laga reebo Faysal Cali Waraabe oo ku doodayey in degaamadan tixgelin gaar ah la siiyo. Xigasho: xaysimo.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here