Faahfaahin: Qaraxii Turkiga ka dhacay

0

Milateriga Turkiga ayaa sheegay in 13 askari ay ku dhinteen 48-na ay ku dhaawacmeen weerar looga shakisan yahay in loo adeegsaday gaari ay waxyaabaha qarxa saarnaayeen oo lala eegtay bas ay askartaas ku socdaalayeen magaalada Kayseri. Baska ayaa siday askar shaqada ka rawaxday sida ay wararku sheegayaan, wuxuuna hor marayey jaamacad markii qaraxu uu dhacay. Wakaaladda wararka Turkiga ee Dogan waxay sheegtay in qaraxa uu ka dhashay baabuur waxyaabaha qarxa la soo saaray. Qaraxa ayaa imaanaya todobaad ka dib markii 44 qof lagu dilay weerar bambo oo ka dhacay magaalada Istanbul, kaasoo ay sheegteen mintidiinta Kurdiyiinta. Muuqaallo TVga laga daawaday ayaa muujinayey qaraxa oo baska cardaadiqaha ka dhigay. Turkiga ayaa waxaa soo maray tirooyin qaraxyo ah oo loo nisbaynayo mintidiinta Kurdiyiinta iyo kooxaha jihaad doonayaasha. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here