Faahfaahin socdaalkii Taleex ee Muuse Biixi iyo hoyashada Carooley

0

Waxaa Magaalada Taleex gaadhay wefti Sare oo uu ka mid yahay Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi. Weftiga ayaa magaalada si diiran loogu soo dhoweeyey, iyagoo dadweynaha kula shiray geedka weyn ee Berde Khaatumo. Waxgaradka degaanka ayaa ugu horeyn hadalkoodii ku bilaabay “Soo dhowaada, inkastoo aad noo timaadeen waqti adag oo abaari na halaakaysay, xaaladayada waad aragtaan oo maanta isla sawir uma baahnin ee maxaad u socoteen? Weftiga ayaa dadka Abaartu saameysay ugu deeqay 100 booyadood biyo ah iyo 1000 kiish oo raashin ah. Weftigu ayaa casar liiqii ka soo baxay Taleex, waxayna Caawa u hoydeen Magaalada Carooley, iyagoo beri subaxii u soo baqooli doona dhanka Magaalada Laascaanood. Dadka degaamada Sool iyo Sanaag Barri ayaa aad u saluugsan Qaabka Socdaalka ee Gudoomiye Muuse Biixi, waxayna sugayeen inuu ku yimaado socdaal ka madax banaan Xukuumada iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo ah nin la hadal hayo inuu haysto Awoodii Madaxweynaha.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here