Faallo Isbedelka Siyaasada ee Somaliland iyo WADANI oo beello iyo degaamo hor lihi ku biirayaan

0

Somaliland oo u gudubtay heer doorasho qof iyo codkii ayaa leh 3 Xisbi siyaasadeed oo la kala yiraahdo Kulmiye, Wadani iyo UCID. Xisbiga UCID ayaa ah nooca xisbiyada aan korin ama u qaabaysnayn qabashada talada dalka, laakiinse ah mid dhex orda labada xisbi ee ugu xooga weyn, xukuumada iyo shacabka dhexdiisa. Waxaana lagu sheegaa Xisbi nin leeyahay sida uu cadeeyey Suldaan Maxamed C/qaadir. Tan iyo intii Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye loo doortay Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa isbedel weyni ku yimid siyaasada Xisbiyada Somaliland. Beelo iyo degaano farabadan ayaa bilaabay inay ka gurtaan taageeradii ay u hayeen Xisbiga Kulmiye, iyagoo beelbeel iyo degaandegaan ugu biiraya ama ugu digarogana Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. 20 bishan beelo iyo degaano ka tirsan Magaalada Laascaanood ayaa ku wareegay Wadani, iyadoo xisbigu Xaruntii labaad ka furtay Magaalada. Isla todobaadkan Reer Awdal ayaa gunta ka ruqay oo ku biiray Xisbiga WADANI, maanta iyo maalmaha soo socda ayaa la sugaa in Beelaha Arab, Ciidagale iyo qaybo ka mid ah beesha Sacad Muuse ay mubaayico la galaan Xisbiga Mucaaridka ee WADANI. Maxaa keenay Barakaca Siyaasadeed ee ku yimid Xisbiga Kulmiye? Waxaa la oran karaa waxaa isbiirsaday dhowr qodob, laakiin waxaa ugu muhiimsan. 1. Hogaamin Xumadda Xisbiga Kulmiye 5 sanadood ee la soo dhaafay, taas oo ay kor u kacday Qabyaalada, shaqo la’aanta, hanti boobka, kalsoonimada xumada shacabka dhexdiisa, hoos u dhaca Siyaasada Arimaha dibada Somaliland oo maraysa meeshii ugu hoosaysay ama la odhan karo waxaa soo xidhantay. 2. Duruufaha adag ee Somaliland fooda ku soo haya iyo Muuse Biixi oo siyaasiyiinta Somaliland aaminsan yihiin inuusan ahayn kii dadka iyo dalka ka saari lahaa ama nin isbedel dhalin kara, intaas waxaa sii dheer madmadowyo badan oo horay u jiray, waxaana lagu sii xantaa maaha nin nabadgelyo, iyadoo durbaba suuqa laga xamanayo aargoosi iyo ciilqab dadkii ka codeeyey. 3. Siyaasiyiin, waxgarad iyo beelaha Somaliland ayaa u muuqda inay isku raacsan in Somaliland maanta u baahantahay, Oday degan oo awood u leh inuu dhegaysto fekrado kala duwan iyo siyaasiyiin iska soo horjeeda, islamarkaana leh siyaasad degan oo soo jiidan karta cidkasta oo danaynaysa Somaliland, waxaana iyana qadarinteeda mudan dadka oo doonaya in la helo hogaan nabadgelyo oo soo celin kara kalsoonidii luntay mudadii Kulmiye talada hayey, kaalintan oo ayaad moodu in Siyaasiyiinta iyo degaamada Somaliland aanay u kala hadhsanayn inuu buuxin karo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro. Si kastaba hayska ahaatee Gudoomiye Cirro oo ah ruug-cadaa soo shaqeeyey xiligii dagaalkii qabooba (cold war), degan, waago aragnimo buuxda u leh hogaaminta, aqoon iyo kalsooni badana ka haysta Beelaha Somaliland ayaan eegi doonaa sida uu u maamulo taageerayaasha sida daadka ugu soo rogmaya. Iyadoo wararka xogogaalka ah oo xaysimo.com heshay sheegayaan in shirka doorashada Xisbiga la qaban doono xagaaga oo ku beegan xili ay Somaliland yimaadaan tobanaan kun oo qurbejoog ah. DAAWO XAFLADDII MAANTA: https://youtu.be/poO1o7hSK4Y XIGASHO XAYSIMO.COM ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here