Faalo:Masuuliyiinta  Beesha Dhulbahante Ee Garowe Ku Sugan  Iyo Garaad Saleeban G.Maxamed  Maxay Ka Doorbideen Dhulbahantenimadi?

0

Qofkasta oo reer SSC ah wuxuu ogyahay in Maamulkii Puntland ee lawada sameystay inuu isu bedelay guri reer, waxaa kale oo kasii daran in reerahaasi ay weli sheegtaan inay Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay iga ka tirsn yihiin. Sheegashadaas beenta ahi waxay degaamada SSC ku calaamadisay in Caalamku u aqoonsado degaanka lagu muransan yahay oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland. Waxaan kale oo aan daah saarnayn in cadowga siyaasadeed iyo jiraan ee shacabka SSC uu noqday Puntland oo gole kasta oo Somali isugu timaado la taagaan haddii la aqoonsado Soomaali iyo Dawlada Federalka waan ka baxaynaa. Waxaa xaqiiq ah oo aan rajo laga qabin in dhibaato kasta oo dadka iyo degaamada SSC la soo derista aan hiil iyo hoo toona laga sugayn ama looga fadhiyin Puntland. Hadaba Waxaa Sharaaf Daro Xoogan Noqotay Ka dib marki Maanta labadaas Beelod Ee Dagaalku ku dhexmaray Gudaha Magaaaladas La Waayey Hal Masuul oo Ka Tirsan Puntland Ila  Heer Gobol ila Heer Dowlad Dheexe Haba ugu Darnaaden Masuuliyiinti Sheegata in ay ka Soo Jeedan Gobolada S.S.C Ee Xilalka Iskugu jira Madaxweyne ku xigeenka maamulkas,Wasiirada,Xildhibaanada, ka Haya Maamulkas Oo Aan Xiita Tacsi ka dirin Dhibaatadaas dhacday Maanta.   Waxaana shacabka SSC looga baahan yahay in Ay Maanta kaga Quustan Dhacdadaas Maamulka Puntland . puntland-dhabSidoo kale waxaa loo baahan yahay inay shacabka Puntland ku hadhay ay goaan ka gaadhaan in shacabka SSC ay ahaadaan dad walaalo Soomaaliyeed ah oo aan wax maamul iyo sheegasho toona ka dhexayn dib dambena aanay u sheegan degaanadooda, xuduudka u dhexeeyaana uu yahay kii Engiriiska ama ay sii wadaan xumaanta ay hada ku jiraan.   Garaad Saleeban Garaad Maxamed oo Gabay Doorkisi !!!.   Garaad saleeban Garaad Maxamed oo ah Isimka Keliya ee ka soo Jeeda Gobolada S.S.C Oo Faadhiga Sandaalidiisa ka dhigay Garowe ayaa Waxaa shacaabka Reer s.s.c  Faajiciso ku noqotay Ka Dib Marki Laga dhex waayey Raxaan Isimo  ah oo ka soo Jeeda Degaanadas oo Baaqyo Nabadeed ilaayo Maanta soo Gaadhsiinayey  Muuqbahiyayaasha Soomaalida Taaso ay Ku Muujinayeen Dareenkooda,Waxeyna Shacabka Reer Sool,sanaag,ceyn ay uu  Garteen isim Raadinaya Habki Abtiriiskiisa uu uga Saari Laha Beesha Siciid Harti,iyada oo la  Wada Ogsoonyahay in Isimkaani uu ka Soo Dhex Muuqdo Dhamaan Xafladaha Iyo Munaasibadaha lagu Qabto Garowe ee Lagaga Hadlaayo Danaha Maamulkaas. Daawo Hadalka Garaad Jaamac  Garaad Cali:- https://youtu.be/1RaQ3KFdt98   Daawo Hadalka Garaad Jamac Garaad Ismaciil:- https://youtu.be/cFCo_5uBnUA   Dhageyso  Hadalka Cuqaal ka hadaashay Degaanka widhwidh:-   https://youtu.be/HQfWrgF6wJg Daawo Maamulka  Somaliland oo ka Hadlay Dagaalki Buhoodle:- https://youtu.be/kAKk1xMNCBY   Daawo Isimada Xamar ku Sugan ee Reer S.S.C:- https://youtu.be/lEL9U2YORtY   BAL AKHRISTE ARAGTIDAADA KU QIIME  DHACDOOYINKAN AY HOOGA TUSAALEYSAY MAREEGTA GOOJACADE.COM OO KU SOO DIR ARAGTIDA Email:-Goojacadewebsite@gmail.com                                                  ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here