Faarax Cali Shire Oo Ka Digay Fashil Siyaasadeed oo ka Dhaca Puntland

0

Faarax Cali Shire, Wasiirkii hore wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa maanta ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Puntland hadda ku sugantahay iyo waxa u qabsoomay 18 sano kadib. Shire oo faah faahin ka bixinayay hadafyadii loo aas-aasay Puntland, ayaa xusay inaan wali la gaarin ujeedooyin muhiim ah oo bud-dhige u ahaa dowladnimada iyo rabitaanka shacabka, wuxuuna ku baaqay in la sameeyo wada-tashi bulsho oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa fashil siyaasadeed. Wasiir Shire ayaa sheegay inuu jiro tafaraaruq badan oo dhinaca siyaasadda iyo dhaqanka ah, kuwaasoo sabab u ah dhibaatooyinka jira. Arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha ayuu tilmaamay inay aad uga hoosayso markii la yagleelay Puntland, taasoo sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin. Wuxuu xusay inay jiraan waxyaabo badan oo dadweynaha reer Puntland ku baraareen, kuwaasoo looga mahad-celinayo hogaankii siyaasadeed iyo midkii dhaqan ee ka shaqeeyay guulaha la gaaray. Faarax, Wuxuu Soo Noqday Wasiirkii Maaliyada Dowladii Faroole Midnimada Puntland ayuu sheegay inay tahay mid aad u wiiqmay marka laga eego aas-aaskii ka hor, halka adeegyada bulshada iyo kalsoonida lagu qabi karo dowladda ay yihiin kuwo aad u hooseeya. Farax Cali Shire, ayaa xusay in loo baahanyahay sidii looga jawaabi lahaa su’aalo tiro badan oo ay ku jirto; Puntland-tii la dhisay 18 sano ka hor masidaan baynu ku daynaa mise waxaan rabnaa Puntland nooc kale ah?. Faarax Cali Shire oo kamid ahaa xukuumaddii Madaxweyne Farole, ayaa tilmaamay inay dhismeen maamullo kale oo tartan inagula jira, wuxuuna siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland ugu baaqay in looga baahanyahay wax ka qabashada xaaladaha jira. Hadalka Wasiir Faarax Cali Shire ayaa kusoo aadaya, Iyadoo Dhawaan Dowladda Madaxweyne Gaas ay u dabaal dagtay Sanadguuraddi 3-aad ee Ay Xafiiska Joogtay. HOOS KA DAAWO SHIRKIISA JARA’ID: https://youtu.be/SPtm3UyOR5g]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here