Faarax Cali Shire oo ka hadlay Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Puntland [Daawo]

0

Faarax Cali Shire ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda xukuumaddii uu katirsanaa ay siisay sidii lagu helli lahaa dowladda dhexe oo awood badan iyo sidii Puntland ay hormuud ugu noqon lahayd Soomaaliya inteeda kale, ayaa xusay in dadaal badan ay ku bixiyeen taasoo keentay in guulo badan lagasoo hoyiyo shirarkii Garowe. Shire ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in dhibaato badan ay kala kulmeen sidii loo ilaalin lahaa Dastuurka dalka maadaam dowladdii Xasan Sheekh faro galin badan ku samaysay taasoo sida uu hadalka u dhigay aysan Puntland cidna ku taageerayn arrintaasi. Xukuumadda Puntland ee hadda xafiiska joogta ayuu ku dhaliilay inaysan hormuud ka ahayn siyaasadda dalka, balse ay tagto shirarka kasocda Xamar ee ay taageerto ama ay diido, taasina ay lumisay heerkii Puntland waqtigaas joogtay. Wasiirkii hore Maaliyadda Puntland ayaa hadalkan ka sheegay Barnaamij galabta ka baxay Somali Cable, wuxuuna kusoo aaday xilli Faarax Cali Shire u sharaxanyahay Madaxweynaha Puntland doorashada la filayo inay dhacdo 2019 inkastoo uusan wali si rasmi ah u shaacin. Inkastoo su’aal uu weydiiyay qof khadka taleefonka Barnaamijkaas uga qayb galay oo ku aadanayd inuu sharaxanyahay ugusoo koobay waqtigeeda ha la gaaro iyo “Saadaa Samo leh”. Daawo Wareysiga Faarax cai shire https://www.facebook.com/SOMALICABLE/videos/527455704263902/   Goojacade.com Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here