Faransiiska oo aqoonsaday Ninkii 3aad ee ku lug lahaa weerarkii Paris

0

Booliska Faransiiska ayaa aqoonsaday nin sedexaad oo ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday tiyaatarka Bataclan ee magaalada Paris, oo aheyd halkii ay ku dhinteen 90-qof, 13-kii bishii November. Ninkaas ayaa la sheegay in magaciisa la yiraahdo Foued Mohamed-Aggad, oo 23 sanno jir ah kana soo jeeda magaalada Strasbourg ee ku taal bariga Faransiiska. Waxaa la aaminsan yahay in uu u safray Suuriya si uu ugu biiro kooxda khilaafada Islaamka laba sanno ka hor.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here