Foorno lagu gubo meydadka maxaabiista la dilo oo la sameestay (Daawo Sawirro)

0

  Muuqaalka ay baahisay dowlada Mareykanka oo lagu duubay Dayax Gacmeed waxaa kamid ah sawirada dhismo cusub oo lagu soo kordhiyey xabsiga Saydnaya oo ku yaal Dimishiq, halkaasi oo la sheegay in hada laga dhisay Foorno lagu gubo meydadka maxaabiista la dilo. Dowlada Siiriya ayaa lagu eedeeyay ujeedka foornadaasi ay u dhistay laguna gubayo meydadka maxaabiista la dilo in ay uga gon leedahay in gabi ahaan la tir tiro raadka dilalka xabsigaasi ay maamusho ka dhaca. Xabsiga Saydnaya ayaa la sheegaa in lagu ciqaabo maalain walbo maxaabiista ku xiran, waxaa sidoo kale warkan kasoo baxay dowlada Mareykanka lagu sheegay in gudaha xabsigaasi maalin walbo lagu dilo 50-qof oo maxaabiista kamid ah. Hay’ada xaquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa war ay horey usoo saartay ku sheegtay in xabsiyada ay maamusgo dowlada Bishaar Al Asad lagu dilay mudo 4 sano gudahood dad ka badan 10-kun oo maxaabiis ah. Xafiiska Shabakada Goojacade.com Muqdisho Somalia Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here