G Wakiilada S/land oo ansixiyey kaabis iyo wax ka bedel Xeerka Diiwangelinta

0

Golaha wakiilada Somaliland ayaa goor-dhaweyd ansixiyey kaabis iyo wax ka bedel Madaxtooyadu ku samaysay Xeerka Diiwangelinta ka dib markii Xukumada Siilanyo iyo Xisbiyada Ucid & Kulmiye Codsadeen in Muddo bil ah la hakiyo Diiwangelinta. Fadhigan Saaka oo uu gudoominaayey Gudoomiye Cirro ayaa waxaa ka soo xaadiray 59 Xildhibaan, waxaana cod la geliyey wax ka bedelka Xeerka madaxtooyadu keentay, waxaana codkooda siiyey 55 xildhibaan, halka 3 xildhibaana diiday. Hakinta Diiwangelinta ayaa xukuumadu ugu marmar siinyootay Abaaro baahsan, halka siyaasiyiinta qaarkoodna aaminsan yihiin arimo kale oo siyaasadeed.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here