GAALKACYO:- Isimada Gobolka Mudug Oo Odayaasha & Waxgaradka Galmudug Gogol Nabadeed ugu baaqay.

0

Isimada iyo waxgaradka Gobolka Mudug ee Puntland qaar ka mid ah ayaa Gobol Nabadeed ugu baaqay Waxgaradka iyo Odayaasha Dhinaca Koonfureed ee Galmudug, si marka Shacabka Gobolka Mudug la isku keeno Soomaali weyn loo raadiyo. Isimadaan oo hadallo kasoo jeediyey Qado sharaf Jimcihii shalay uu Beertiisa Deegaanka Dhagxanyo Cadde ugu sameeyay iyaga iyo wafdiga Madaxweynaha Puntland ee Gobolka Mudug ku sugan ayaa ku baaqay in Nabadda Gobolka Mudug ay wax walba ka horrayso. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac Oo ka mid ah Isimada Puntland ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in Gaalkacyo aysan Khad Cagaaran lahaan doonin, islamarkaasina ciddii istaahisha ay Maamuli doonto oo loo dayn doono. Dhinaca kale Garaadku waxaa uu Galmudug ugu baaqay in Horumarka Gaalkacyo dhinaca Puntland ka socda ay iyaguna dhankooda ka hirgaliyaan. “Nabad galyada halaga wada shaqeeyo oo dadka reer Mudug, walaalaheenna dhinacaa daga, waxaan leenahay sida howsha fiican looga qabtay Magaalada dhinacaan Puntland u taliso dhinaciinana howshaas oo kale ka qabta, haddii iidan ka qaban karin anagaa idiin qabanaynee na siiya waqti iyo fasax oo nala shaqeeya, sidaas baan lee nahay, waxaan ognahay angu walaalo ayaynu nahay, Mudugna haddii alle idmo labo Khad ma yeelan doonto oo khadka Cagaaran waa baab’i doonaa, Mudugna Ciddii ku habboon oo istaahisha ayaa hoggaamin doonta” ayuu yiri Garaad Maxamed Cilmi Shirwac. Sidoo kale Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo ka mid ah Isimada Gobolka Mudug ayaa Isimada Puntland iyo Dowladda puntland ka codsaday in Marka hore si Soomaaliweyn loo baadi goobo in Gogol Nabadeed loo fidiyo Waxgaradka iyo Odayaasha Koonfurta Mudug ee Galmudug. “Mudug sharciga maanta way qaadatay, haddii Mudug hagaagto waxaa hagaagaysa Puntland oo dhan, Puntland haddii ay hagaagto waxaa hagaagaysa Soomaaliya oo dhan, Isimada iyo Dowladda Puntland waxaan ka codsanayaa Gobolka Mudug ee aan degganahay waxaa nala deggan niman kale oo walalaheen ah oo Galmudug la yiraahdo, way nala deggan yihiin, mana kala maarano, in iyaga marka hore waxgaradkooda gogol nabadeed loo dhigo , si Soomaaliweyn loo asteeyo” ayuu yiri Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise. Ma ahan markii ugu horraysay Oo Isimimada iyo waxgaradka Gobolka Mudug ay dhanka Koonfureed ugu baaqaan iN Nabad Galyada la xoojiyo oo wax walba Gogol Nabadeed lagu wajaho.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here