Gaari la socday Farmaajo oo dad shacab ah ku xasuuqay Iridka Villa Somalia.

0

Muqdisho[Goojacade.com] Gaari ka Mid ah Gaadidki Galbinayey Madaxweynaha JFS Soomaliya Maxamed cabdilaahi farmaajo ayaa dad shacab ah ku jiray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya. Gaarigaan ayaa dadka shacabka ah ku jiray afaafka Hore ee Villa Somalia ,Xilli ay Madaxtooyada ka Sagootinayeen Madaxweynaha. Gaariga ayaa Jiray Laba Ruux oo shacabka ah kuwaa oo xilligi shilka Goynayey wadaada Hormaarta Villa Somalia. Labada Ruux  ee uu Gaarigu jiray ayaa Mid ka mid ah la xaaqijiyey in uu u  Geeriyoday   halka dhaawac soo gaadhay, halka ruuxa labaad oo haweenay ah ay la jiifto  dhaawaca ka soo gaaray Gaadhiga Galbinayey Madaxweyne farmaajo. Ruuxa uu dhintay shilka waxaa lagu magacaabo Tahliil Jimcaale Hubane,wuxuuna xilliga marayey dalaacada laamiga ee loo aado Xarunta wasaarada warfaafinta. Haweenayda uu dhaawacantay shilka ayaa iyana lagu Magacaaba faadumo sahro ,waxeyna iminka  dhaawac la taala isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Dhibaatada ay dadkaani kala kulmeen gaadidka la socday Madaxweyne farmaajo ayaa waxaa weli ka hadal Madaxweynaha soomaliya iyo weliba Villa somaliya. Goojacade.com Muqdisho–Somaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here