Gaas oo diiday goaamadii shirkii wadatashiga doorashooyinka Federalka

0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xalay 27-Jan-2016 shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaga hadlay go’aankii ay dawladda federaalku gaadhey kaas ahaa in aqalka hoose ee baarlamaanka lagu soo xulidoono habka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5, halka aqalka sarena lagu soo xuli doono hab maamul goboleed iyadoo Puntland iyo Somaliland loogu dari doono min saddex xubnood oo dheeraad ah, go’aankaas oo beesha caalamkuna ay soo dhoweysey. Gaas ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in go’aanka ay gaadhey Dawladda Federaalka ee ku saabsan geedi socodka Doorashooyinka 2016-ka aanu ahayn mid ay gebi ahaanba Puntland aqbalayso. “Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo anigoo ku hadlaya magaca dawladda Puntland in aanan aqbalayn go’aanka ay dowladda federalki gaadhay eyna beesha caalamka ku ayiday, ka-madaxweyne ahaana aanu ahayn go’aankaasi mid ay ii soo wakiisheen shacabka Puntland, aniguna rabitaankooda ayaan ku shaqaynayaa” ayuu yiri madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale xusay shacabka soomaaliyeed in ay yihiin dad isku dan ah islamarkaana isku baahi ah oo doonay inay gaadhaan horumar iyo caddaalad balse waxa mustaqbalkooda hortaagni uu yahay nidaamka qabiilka ee 4.5 kaas oo aafeeyey horumarkii iyo helitaanka dawladnimadii soomaaliyeed. Madaxweynaha Puntland ayaa geba-gebadii tilmaamay in uu talada ku celin doono shacabka reer Puntland maadaama ay iyagu yihiin cidda iskale go’aanka kama dambaysta ah. “Anigu ka madaxweyne ahaan shacaka Puntland ayaan kucelinayaa talada iyaga ayaana go’aanka masiirkooda iska leh” ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiwli Maxamed Cali.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here