Gaas oo Qorsheystay Gunaanadka Shirka London ka dib In uu Safro[Xagge]?

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ku wajahan magaalada Oslo Ee Xarunta Dalka Norwey  , ka Dib soo Xidhmida Shirka London ay Goobjoogayaal ka Yihiin  In ka badan 40 dowladooda oo kuwa Geeska Africa ay ku jiraan, Deeq-biyaasha caalamiga ah, Hay’addo badan iyo Saaxiibada Somalia. Sida Ilo-Wareedyada La soo xiriiray Shabakada Goojacade.com Xaaqijiyeen Madaxweyne Gaas ayaa La Sheegay in uu la kulmi doono Xukumada Norway  oo ay ka Wada Hadli Doonan  Xaalada Soomaliya iyo  Mashaaricda uu Qorsheysan   inay ka  Fuuliso Gudaha Dalka Soomaliya Gaar ahaan Degaanada puntland. Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa la raajeynaya in inta uu joogo uu la kulmi doono Jaaliyada Reer Puntland ee Ku dhaqan Dalkaas . Lama oga safarka Madaxweynaha Puntland iyo waxaa uu ka badalayo xalaada amni darada ah iyo abaaraha haysta shacabka Puntland. Goojacade.com Garowe-Puntland Soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here