Gaas oo xilkii ka qaaday taliyayaashii Ciidamada Booliska iyo Ciidanka Birmadka

0

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 15, May 2016 xilkii ka qaaday Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Af-guduud) iyo Taliyaha Ciidanka Birmadka G/sare Cismaan Xasan Cuuke (Af-dalow), isla markaana si kumeel gaar ah ugu magcaabay xilka Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Shire Faarax Ereg. Xil kaqaadistan iyo magcaabistan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Puntland uu guddi heer qaran ah u saaray dhacdadii ka dhacday magaalada Boosaaso 5-May 2016 iyo dhibkii wadashaqayn la’aaneed ee ka dhex jirey ciidanka Booliiska dhexdiisa, dhacdadaas iyo wadashaqayn la’aantaas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here