Gabadhii Soomaaliyeed oo Booliska Norway toogteen oo 4 todobaad xabsi ah lagu xukumay

0

Booliska dalka Norway ayaa maanta maxkamad horgeeyay haweeneydii Soomaalida ee ay 18-kii bisha september ku toogteen xaafadda Gronland ee caasimadda Oslo, waxaana lagu xukumay afar isbuuc oo xarig ah inta meel laga saarayo kiiskeeda. Haweeneydan oo la yaabtay xabsiga maanta loo jaray ayaa isla goobta racfaan uga qaadatay, waxaana ay qareenkeeda u sheegtay in ay iyadu tahay dhibanaha ah. Markii maxkamadda lasoo galinayay ayaa waxaa gaari ku riixayay oo isbitaalkii ay ku jirtay kasoo kaxeeyay laba nin oo boolis ah, kuwaasoo xukunka ka dibna dib u kaxeystay. Booliska ayaa sheegay in haweeneydan ay ku eedeysan tahay isku day dil ay u geysan rabtay cunug yar oo soomaali ah kaas oo ay mindi u qaadatay. Booliska ayaa xabad caloosha uga dhuftay haweeneyda kadib markii ay xaladda ay la kulmeen ku sifeeyeen mid halis u muuqatay. Xigasho Calanka.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here