Gabon: Ciidamada Amaanka oo weeraray xarunta mucaaradka muran ka dhashay doorashada kadib

0

Iska hor imaad ayaa ka dhacay Gabon, kadib markii madaxweynaha xilka haya Cali Bongo lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashada in ka yar lix kun oo cod. Mucaaradka Jean Ping, ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen markii ciidamada ammaanka ay galeen xarunta mucaaradka xalay. Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in howlgalka loogu tala galay in lagu helo dadkii masuulka ka ahaa gubista baarlamaanka Arbacadii. Kormeeraha doorashada ee Midowga Yurub, Sarah Crozier, ayaa xaqiijisay in iska hor imaadyo ay ka dhaceen magaalo madaxda Libreville iyo Port-Gentil. Taageerayaasha Mr Ping ayaa ka hor imaaday boliiska Ciidamada ayaa loo yeeray si ay u kala cayriyaan dadka mudaaharaadaya Cali Bongo ayaa xilka kala wareegay aabihiis Cumar Bongo Mucaaradka Jean Ping ayaa ahaan jiray Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika 2008 ilaa 2012.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here