Gacan kudhiigle Cali Khaliif oo dad shacab ah laayey, Saaxdheerna u baxsaday

0

Ninka isku magacaaba Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa la cadeeyey inuu u cararay dhanka deegaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool, kadib markii dad shacab ah uu ku laayey degaanka Caroweyn. Wararka ugu dambeeyey ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyada Cali Khaliif ay dileen 2nin oo Reer Baadiye ah kana soo jeeda Beesha Habarjeclo, halka ay dhaawac culus gaadhsiiyeen nin kale, wuxuuna doonayaa inuu abuuro colaad qabiil. Falkan foosha xumi wuxuu ka dhacay degaanka Caroweyn, Ninka dhaawaca ah ayaa lagu dabiibayaa Buuhoodle. Cali ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey ku dhuumanayey Magaalada Buuhoodle, kadib markii Ciidamada Somaliland ka soo caydhsadeen Balicad. Mudadii uu Buuhoodle joogay ayaa la sheegayaa inuu ku mashquulsanaa inuu colaad ka dhex huriyo dadka Buuhoodle iyo beelaha derisyada la ah, wuxuu dhowr jeer hadawada u mariyey guubaabooyin uu ugu sheegayo inay weeraraan dadka Reer Miyiga ah ee daaqa u soo doontay Gobolka Cayn kana soo jeeda degaamada kale. Cali ayaa la filayaa inuu Degaanka Saaxdheer kula kulmo Garaadkiisa Garaad Jaamac Garaad Cali oo ay ku dhawaaqaan MaamulGoboleed ka kooban Khaatumo iyo Maakhir dabadeedna laysu raaco Magaalada Muqdisho, si ay u raadsadaan xildhibaanada 2016. DAAWO DHAAWACA: https://youtu.be/-BEOuWandFw]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here