waxaa Koox Hubaysani Kaantaroolka Magaalada Burco ku dileen Alle ha u Naxariistee Marxuun Yuusuf Muuse budul oo ka soo Jeeda Deegaanka Buuhoodle, Marxuunkaasi ayaana Xalay ka soo Tagay Magaalada Berbera Isaga oo waday Gaadhi Xamuul ah. Warku Waxaa uu intaasi ku Darayaa in Marxuunka Lagu Dilay Goob Baabuurtu Taayirada ka Banjarsadaan, Waxaana Dilkaasi Fuliye Koox Qoryaha Fudud ku Hubaysnayd, kuwaasi Markiiba Goobtaasi ka baxsaday. Dilka Marxuunkaasi ayaana Dabo socday nin Sanadkii Hore lagu dilay deegaanka Hagoogane agtiisa oo Kasoo Jeeda Beesha Bariga Burco, Waxaana Xiligaasi Labada Beeleed gaar ahaan Qorilugud iyo Xadhadhan Dhexmaray Heshiis Waxaana la bixiyey Mag Dhan 130 Geel ah., Qori iyo Waliba Xaal oo Lagu kala Heshiiyey Xiligaasi.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.