Garaad Guud ee Maxamuud Barri iyo wefti uu hogaaminayo oo maanta Tukaraq dib ugu soo noqday

0

Garaadka Guud ee Maxamuud Barri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Tukaraq halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey. Garaadka ayaa waxaa la socday wefti balaadhan oo isugu jira Cuqaal iyo waxgaradka Maxamuud Barri. Garaadka iyo weftigiisu waxay beryahan arimo nabadeyn ah ugu maqnaayeen degaanka Qorilay oo lagu heshiisiinayey labadii beelood ee dhowaan ay dirirtu ku dhexmartay degaankaas. Garaadka ayaa la filayaa in magaalada Tukaraq uu ka sii ambaqaadi doono arimo kale oo danaha dadka degaanka la xiriira. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here