GARAAD JAAMAC IYO SOMALILAND MAXAY KA WADA HADLEEN

0

Kulan dhowaan dalka Imaaraadka Carabta ku dhexmaray Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno ka mid ah Xukuumada Somaliland ayaa ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan. Xukuumada Somaliland waxay Garaad Jaamac kala kulmeen soo dhoweyn iyo Jacayl ka badan intay ka filayeen. Xukuumada Somaliland waxay dareen ka muujisay wadahadalada Cali Khaliif lagula jiro iyo kala qaybsanaanta Dhulbahantaha. Garaad Jaamac ayaa balan qaaday inuu arintaas wax ka qaban doono, isagoo sheegay in kooxdii Hangoolada ee G11 ee dhowaan Cali Khaliif caasiday uu dib u heshiisiin doono, wuxuuna balan qaaday in wadahadalada dambe ay iyagoo midaysan imaan doonaan. Arinta Reer Buuhoodle iyo diidmada Cali Khaliif ayaa hoos loo dhigay, waxaana laga soo qaaday wax fudud oo Cali dhamayn karo, dhowr jeer oo horena soo dhacday sameyn siyaasadeedna aan yeelan doonin. Xukuumada Somaliland waxay muujisay dadaalka ay ugu jirto inay dhamayso arinta Khaatumo. 20 sano ka hor ayaa Alla how naxariistee Garaad Cabdi qani iyo Axmed Cabdi Xaabsade ay Somaliland isku qabteen inay u aqoonsadaan Garaadka Guud iyo Siyaasiga Guud, taasoo aakhirkii dhalisay inay Puntland aadan oo wax ka dhisaan, nasiib daro mudo yar ka dib ayey isku qabteen maqaamkii Guud ee Garaadka iyo Siyaasi Axmed. Geeridii Garaad Cabdi Qani iyo howlgabka Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade dagaalka loogu jiro Gaaadka Guud iyo Siyaasiga Guud waxaa meeshoodii ka sii waday Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Cali Khaliif Galaydh. Garaadka iyo Cali Khaliif waxay Somaliland ku leeyihiin abaal badan oo u baahan in loo tixgeliyo, maadaama ay soo qabteen hawlo badan oo aan Somaliland ku guulaysateen. Waxay ku guulaysteen: Inay kala jaraan xidhiidhkii Dhulbahante iyo Maamulka taagta daran ee Puntland. Inay kala jaraan xidhiidhkii shacabka Gobolada SSC iyo Dawlada Federaalka. Waxay Somaliland u sahleen inay gacanta ku dhigto 90 % degaamada SSC, iyagoo ka shaqayn jiray barnaamij QAWDHA MAQASHII WAXNA HAWQABAN IYO HOODADO AY SOMALILAND DEGAAMADA UGU GACANGELINAYSO. Taas waxaa dheer Abaalkii ka qaybgal la’aantii dagaalkii SNM lagula jiray. Si kastaba hayska ahaatee haddii maanta Hargeysa loo soo raaco, oo la waayo Maqaamkii Siyaasiga guud iyo Garaadka Guud walow Faysal Cali waraabe u aqoonsaday reer SSC ma Jabuuti baa loo kaxayn doonaa? FG: NINA GUNNIMO KULA TARTAMI MAAYO waxay ahayd hal ku dhig uu Garaad Jaamac ku odhan jiray qofkii Somaliland xidhiidh la yeesha.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here