Garaad Saleebaan oo ku sii jeeda Nayrobi iyo Cali Khaliif oo ku guuldareystay inuu la kulmo

0

Garaadka Guud ee degaamada Sool iyo Sanaag Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa ku sii jeeda Caasimada dalka kenya ee Nayrobi, halkaas oo ay soo dhoweyntiisa diyaar ugu yihiin Jaaliyadaha Nairobi. Garaadka oo la filayo inuu saacadaha soo socda gaaro Nairobi ayaa la rajeynayaa inuu dhowr maalmood ku sugnaado magaalada, dabadeedna uu uga sii gudbo wadanka Imaaradka Carabta oo uu baadhis caafimaad u tegi doono. Dhanka kale Odayga kooxda Saaxdheer Cali Khaliif Galeydh iyo Horgalo ka soo jeeda degaamada Sool iyo Sanaag ayaa ku oo ku guuldareystay gucle ay ku raadinayeen inay la kulmaan Garaadka. Cali Khaliif ayaa halgan ugu jira inuu sameysto Maamul ka kooban Maakhir iyo Khaatumo oo uu kaga qaybgalo 2016, kadib markay fashilmay sheekadii aan loo dhameyn ee uu saaxdheer iskaga caano shubay. Waxaana rajadiisii 2016 ku xidhantay inuu helo taageerada Garaad Saleebaan. Haddii Cali Khaliif waayo Taageerada Garaad Saleebaan waxaa hubaal ah in aanu heli doonin taageerada Beesha WARSANGELI IYO SALDANADEEDA oo aanay ka suurtoobin inay xuduudka ugu duulaan oday geed hoos fadhiya oo aan kalsooni ka haysan dadkiisii iyo degaankiisii. Halkaas waxaa ku soo dhamaan doona cimrigii siyaasadeed ee Prof Cali Khaliif Galeydh oo ku khaatumaystay taariikh fashil iyo taariikh xun. Wararkii ugu dambeeyey Cali Khaliif ayaa cadeynaya in dhaqaale ururis uu maalmahan ku mashquulsanaa ay taageerayaashiisii hungo iyo faro madhan kala soo noqdeen, kuwaas oo uu doonayey inuu kooxdiisa kaga bixiyo deynta Hoteelada Xamar.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here