Garaad Saleebaan oo shir teleconference la yeeshay Qurbajoogta Beesha Ugaadhyahan

0

Garaadka Guud ee Degaamada Sool iyo Sanaag, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa shir teleconference la yeeshay Qurbajoogta Beesha Ugaadhyahan shalay galab 12.12.2015. Shirka ayaa ujeedadiisu ahayd is-waraysi, u kuurgelida xaalada Caafimaad ee Garaadka iyo talogelyooyin ku saabsan xaalada degaanka. Shirka waxaa ka hadlay Qurbajoog isugu jirta waxgarad, odayaal iyo Cuqaal, kuwaas oo warbixino, taageero iyo ducooyin u jeediyey Garaadka. Shirka ayaa wuxuu u dhacay jawi aad u heer sareeya, oo farxad iyo rayrayni ku dheehantahay, waxaana soo gebagebeeyey Garaad Guud ee Degaamada Sool iyo Sanaag Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo u duceeyey beesha, guud ahaanba umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba iyo muslimiintaba. Garaad wuxuu ku dhiirigeliyey Qurbajoogta beeshu inay ka qaybqaataan waxqabadka iyo horumarinta degaamada Sool iyo Sanaag, isoo si gaara carabka ugu adkeeyey midnimada iyo wadajirka. Garaadka ayaa iminka ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuuna ayaamaha soo socda dibada ugu bixi doonaa baaris caafimaad.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here