Garaad Saleebaan " Waxaan ku baaqayaa nabadgeyo Somalilandna dadka ha dhexdhexaadiso Puntlandna gurmadka ha joojiso"

0

Garaadka guud ee Maxamuud Barri Garaad Saleebaan Garaad Maxamuud ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaada ka aloosan degaanka Qorilay iyo Magacley. Garaadka oo ku sugnaa Magaalada Xuddun ee gobolka Sool ayaa ka hadlay Xasuuqii dhowaan ka dhacay ka gaysteen Qoriley, Wuxuu sheegay dadkaasi la xasuuqay inaanu ka fogayn, Hadii uu sidaas dhahana aanu danbi ku qabin, Wuxuuna alle uga baryey inuu Naxariistiisa ka Waraabiyo. Garaadka ayaa sheegay in ninka maanta Xaqdaro wax ku dilay aanu Guul gaadhin, oo Guul daro uu qabo, Wuxuuna ku baaqay in dhinaca Puntland laga joojiyo Gurmadka iyo ciidamada lasoo Daabulayo “Puntland ha Joojiso gurmadka ay ka wado deegaanadaa , ha joojiso colaada” ayuu yidhi Garaadka. https://youtu.be/EvPzKJ7KvPg]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here