Garaadka guud ee Maxamud Barri Garaad Saleebaan oo Xamar gaaray iyo Cali oo Balicad ku sii jeeda

0

Garaadka Guud ee Beesha Maxamuud Barri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa maanta gaaray Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Garaadka oo si fiican loogu soo dhoweeyey Muqdisho ayaa la filayaa inuu ayaamaha soo socdo u baxo baadhis caafimaad oo dalka dibadiisa ah. Deeqdan Caafimaad ayaa waxaa Garaadka u fidiyey Dawlada Federaalka Soomaaliya. Dhanka kale Odaygii Cali Khaliif oo wejiga lagaga soo xagxagtay magaalada Nairobi, Xamarna ku hungoobay ayaa wejigaba la filayaa inuu dhaqso ugu ambabaxo degaanka Balicad oo ah meeshii uu bilihii ugu dambeeyey ku dhuumaalaysanayey. Tegista Garaadka ee baarista caafimaadka ayaa waxay dhabarjab ku noqonaysaa Cali Khaliif oo doonayey inuu Balicad ku qabto shir uu ku sheego inay Isimadda Beeshu isugu wada yimaadeen, taasoo iminka u muuqata inay isugu imanayaan intii uu awelba horey ugu shaqaysan jiray, oo aan wax cusub soo kordhinayn.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here