Garaadka Guud ee Maxamuud Barri oo Qorilay u ambabaxay iyo Cali oo raadinaya taageero

0

Garaadka Guud ee Beelaha Maxamud Barri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo wefti Ballaaran oo uu hogaaminayo, ayaa la filayaa inay maanta ka ambabaxaan Magaalada Tukaraq, iyagoo ku sii jeeda degaanka Qorilay ee dhowaan colaadu ka dhacday. Garaadka waxaa socdaalkiisa ku weheliya Cuqaashii Maxamuud Barri iyo nin garbood kale, waxaana ujeedkoodu yahay inay ka qaybqaataan xalinta colaadan oo mudada 10 sano ah ka soo noq noqonaysay degaamada Qorilay iyo Magacley. Dhanka kale waxaa diyaargarow ku jira kooxdii Saaxdheer ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh, kuwaas oo doonaya inay nabadeynta Qoriley iyo Magacley uga faaiidaystaan dhowr ujeedo oo u gaar ah oo ay filayaan inay Garaadka iyo ergadiisa u hoos gelin karaan. Ujeedada kowaad ee Cali Khaliif ayaa ah siduu u heli lahaa degaan Saaxdheer ka balaadhan oo uu Hargeysa la tago, taas oo uu doonayo inay Garaad Saleebaan iyo Guud ahaanba Beesha Maxamuud Barri taageero uga helaan wadahadalka ay soo balan qaadeen, waxayna doonayaan inay qabtaan shir ay leeyihiin waxaa lagu heshiisiinayaa Isimadda iyo midaynta Dhulbahante. Magaalada Laascaanood waxaa laga iibiyey dhowr cimaamadood oo la doonayo in Garaad Saleebaan Xaal loo siiyo. Mid waxaa laga bixin doonaa qadafyo ay Garaad u geysteen mudadii ay u goolaaftamayeen Somaliland iyo Puntland. Mid kale waxaa laga bixinayaa doonaa abaabulkii ay ku sameeyeen Garaadka Abtiyaashii oo dhaheen geedka u baxa oo cimaamad guba, arintaas oo ahayd mid ku cusub dhaqanka Somalida. Sidoo kale dhowr cimaamadood oo kale ayaa laga bixin doonaa gefaf iyo talo gelyo la’aan badan oo isbiirsaday. Shirkan ayaa la doonayaa in indhaha Somaliland iyo Caalamkaba loo tuso in Dhulbahante u dhanyahay qorshaha Cali Khaliif iyo gudiyada dhab ku sameysiga ah ee uu magacowday. Ujeedka Labaad ayaa ah in colaadan loo isticmaalo sidii loo kala jari lahaa shacabka SSC iyo Puntland. Cali Khaliif ayaa iminka ku jira mowqif adag, kadib markii inta badan degaamada SSC ay kalsoonidii kala laabteen, iyagoo hadalkii ugu soo koobay inuu Saaxdheer ku gorgortamo, jabkii ugu dambeeyey ayaa ku dhacay dhowr casho ka hor markii shacabka Gobolka Cayn ay ka saareen Magaalada Buuhoodle, iyagoo u sheegay in reer Buuhoodle leeyahay Isimo iyo waxgarad wada xaajoodka ugu filan. Isku soo wada duuboo Garaad Saleeban iyo Ergadiisa ayaa u socda nabadeynta oo keliya, ma jirto wax ku saabsan siyaasad ama shirar doceedyo ka baxsan mowduucii ay u tageen oo ay gelayaan, taas oo sababaysa in Cali Khaliif hungo iyo faro madow kala raabta isku daygiisa. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here