GAROWE: GOOBAHA GANACSI QAARKOOD OO XIRAN IYO DAD LA XIR XIRAY[DHAGEYSO]

0

Ciidamada ayaa xiraya qofkii diida inuu qaato lacagta shillin Soomaaliga ah, dadka shacabka ah ayaa u wacaya ciidamada qofkii ka diida Shillin Soomaaliga. Dad badan ayaa la xiray kuwaas oo diiday inay qaataan lacagta shillin Soomaaliga ah, qanacsatada qaarkood ayaa ka cabanaya dowladda iyagoo sheegaya inaysan ka qaadanayn shillin Soomaaliga. Taliyaha Saldhiga dhexe Garowe oo la hadlay Radio Garowe Dhame Maxamuud Muuse Bille (Farda fuul) ayaa sheegay inay wadaan howlgal ay kusoo qa qabanayaan cidii diida lacagta shillin Soomaaliga ah, islamarkaana dowlad iyo shacaba la qaadanayo lacagta. Farda fuul ayaa tilmaamay in amarkaas uu shalay billaamay uuna soconayo, lacagtuna soconayso wuxuu ka dhawaajiyey in lagu qaadayo canshuurta dowladda. Taliayaha Xabsi dhexe ayaa hadalkiisa ku daray in cidii diida lagu ganaaxayo 6 billood oo xariga ah iyo 20’000 ( labaatan Milayn ) oo shillin Soomaali ah. HALKAAN TAABO SIDAAD CODKI UGA HESHID     Goojacade.com Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here