Go'aanki Maxkamada Sare ee Laalida 8 kursi ee Aqalka Hoose Ma Yahay Mid Dhaqangeli Doona?[Warbixin]

0

Maxkamdda Sare ee dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa Maalinimadi shaleyto aheydd laashay 8 Kursiga oo kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, kuwaasi oo si qaldan ugu soo baxeen Doorashada.

Go’aanka Maxkamadda oo soo baxay 16-ka May ayaa yimid kadib dacwo socotay in ka badan 5 bilood, taasi oo ay soo gudbiyeen murashaxiintii u tartamay Kuraasta, oo la sheegay  in la handaday, lana Musuq-maasuqay.

Maxkamadda sare ayaa baabi’isay go’aankii xubnaha Madasha Qaranka iyo Guddigii Doorashada Federaalka ee lagu fasaxay 8 kursi oo ka mid ahaa 11-kii kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka horey u laaleen.

Sida ku xusan Qoraalka Maxkamada waxaa dib loo soo celiyay go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaad ee ahaa in 11-ka kursi la laalo, islamarkaana dib loo galo doorasho cusub, oo xur iyo xalaal ku dhisan.

Kuraasta la laalay;

1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

2. Maxamed Saciid Cabdullahi

3. Maxamed Axmed Abdtidoon

4. Nadif Aadan Isaaq

5. Muna Khalif Sheekh Abu [Muna Kay]

6. Cabdicasis Salax Carmaan

7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8. Samra Ibrahim Cumar

Dadka Maxkamadda usoo gudbiyey dacwada;

1. Muumino Sheekh Cumar

2. Aadan Maxamed Cali

3. Khaalid Cumar Cali

4. Maxamed Mukhtar Ibrahim

5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali

6. Malaaq Sidow Maadow

7. Ibrahim Saalax Dayfullah

8. Caasho Xaaji Cilmi

Akhriso Dacwaadi Mudaada 5ta Bilood aheyd Socotay Oo Dhaameystiran

Maxkamadda Sare oo laashay 8 kuraas Barlamaanka Federaalka  ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here