GOBOLADA SSC IYO HADAL HAYNTII UGU XIISA BADNAY EE TODOBAADKII TEGAY

0

Todobaadkii tegay hadal haynta ugu badan ee goobaha Siyaasada iyo odoroska degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn lagaga faaloonayey waxaa ugu badnaa falanqaynta XIL KA QAADISTII lagu sameeyey Wasiirkii hore ee Biyaha Mudane Baashe Cali Jaamac, kaalintii uu ka qaatay Wasiirka Madaxtooyada SL Maxamuud Xaashi Cabdi, saameynta Xisbiga Kulmiye iyo Musharax Muuse Biixi Cabdi. Halka KAALINTA 2AAD ay ku jirtay WADAHADALKA KHAATUMO IYO SOMALILAND. XILKA QAADISTII BAASHE: Xil ka qaadistii Baashe Cali Jaamac waxaa lala xiriirinayey khilaaf xoogeystay oo ka dhexeeyey Maxamuuud Xaashi, waxaa shacabka la yaab ku noqotay AMAANTII uu Maxamuud Xaashi Degmada Xuddun Baashe ku amaanay waxqabadkiisii, iyo xil ka qaadista lagu sameeyey markii Hargeysa lagu soo guryo noqday, taasoo noqotay labo wax oo aan isqaban, sidoo kale tixgelin la’aantii codsiyadii Qoorweynta Beeshu u jeediyeen. SIDEE LOO ARKAY XILKA QAADISTA: Shacabka degaamada SSC ayaa Xil ka qaadista Baashe kaga dareen celiyey in loola jeeday 3 ujeedo oo qoloba mid muhiimada siinaysay; 1. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in Xil ka qaadista Baashe lagu dhabar jebinayo Heshiisyadii Awrboogays iyo Adhicadeeye oo la gaadhay xiligii Xukuumada laga sugayey inay dhaqan geliso qaybteedii. 2. Qoloda labaadna waxay ku doodayeen in xilka looga qaaday fududeynta iyo hirgelinta Wadahadalka KHAATUMO IYO SOMALILAND, maadaama Baashe Cali Jaamac aad ugu dheganaa oo laga fujin waayey in la cadeeyo cida Khaatumo metesho iyo degaanka ay ka taliso, iyadoo dad badani ku xamanayeen inuu yahay caqabad hor taagan Wadahadalka Khaatumo. 3. Garabkan sadexaad oo ahaa kuwa ugu badan ayaa ku doodayey, in Xil ka qaadista Baashe ay sababtay degaal ka dhex socda Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah oo ku saabsan tartan loogu jiro cida Gudoomiyaha Xisbiga noqonaysa Muuse Biixi Cabdi dabadiis, iyadoo Maxamuud Xaashi lagu xamanayo inuu gucle orod ugu jiro Gudoomiyaha Kulmiye. Arinta Baashena waxay u arkaan daandaansi iyo kaga cadhaysiin lala doonayey taageerayaasha Muuse Biixi uu degaamada SSC, meelaha layska diiwaangeliyey, waxayna Xil ka qaadista ku tilmaamayeen talaabo aan loogu danaynayn Xisbiga Kulmiye iyo musharaxnimada Muuse Biixi. Waxkasta oo loola jeedayba waxaa xaqiiq ah in Xilka qaadistaasi ay u shaqaysay ka soo horjeedkii wixii loogu talo galay, iyadoo kor u qaaday sumcada iyo taageerada Mudane Baashe Cali Jaamac iyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ee degaamada SSC ee layska diiwaangeliyey, kadib markii shacabku u arkeen in aan Xilka qaadistaas loo marin sifihii ku haboonaa ama ujeedo gaar ah laga leeyahay. WADAHADALKA KHAATUMO IYO SOMALILAND: Arintan WADAHADALKA oo aad looga doodayey todobaadkii tegay ayaa shacabka badankiisu waxay muujinayeen kalsooni darada ay ka qabaan in Xukuumada Somaliland ay fuliso waxkasta oo lagula heshiiyo, iyagoo ku adkaysanayey in maxsuulka wadahadaladu ay la mid noqon doonaan kuwii AWRBOOGAYS, waxayna ifinayeen in ujeedada xukuumada Somaliland aysan dhaafsiisnay baabi’inta Mucaaradada Khaatumo ee Beesha Caalamku dabada ka riixayso. Waxayna Cali Khaliif Galaydh iyo Khaatumo uga digayeen inay ka dhigtoonaadaan inay ku dhacaan hadaantii laga tuuray Baashe Cali Jaamac iyo waxqabadkiisii uu mudada dheer naf iyo maalba u horayey.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here