Gobolka Galgaduud Qarax Miino oo waxyeelo gaarsiiyey Caruur yar yar

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka degmadaasi 4 caruur ah Miino kula qaraxday goob ay ku cayaarayeen. Caruurta Miinada ay la qaraxday ayaa la sheegay in ay ku cayaarayeen meel geed hoostiisa ah, kadibna meel Miinada ay ku jirtay garaaceen sidaasina ay kula qaraxday. Dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in halkaasi 4 caruur ah ay waxyeelo ka soo gaartay, waxaana loola cararay goobaha caafimaad ee halkaasi ka dhowaa. Maamulka Caabud-waaq ayaa waxa ay sheegeen ilaa iyo hada in aan lagaraneyn cida halkaasi Miinada ku aastay, waxaana ay tilmaameen in ay wadaan baaritaano amniga lagu xaqiijinayo. Dhowr jeer oo hore ayaa waxa ay Miino dad ugu waxyeeleysay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here