Godkii Soomaalida laga qaniinay: (Run u baahan in la sheego)

0

Waxaa Qoray:

Nin soomaliyee oo gabyey baa wuxuu yidhi .
Maasha iyo hadaan mililka saro , mallow miyaa I fuuli Ma munaafaq baan noqon, haddan xaqa ku maansoodo Umada Somaliyeed dhamaanteed waxay isu taagtay badhtamihii qarnigii 18 aad sidiii ay ku hanan lahayd qaran iyo hanaan dowladnimo , dhamaan umada somaliyeed waxay qiimi badan ku bixisay sidii ay ku heli lahayd nidaam dowladnimo oo iyada u gaara, dadka soomaliyeedna qaabaytiisa ay majara u hayeen, jidkaa dheer sahal luguma soo marine e waxaa loo huray naf iyo maal, dagaal af iyo adinba waa loo galay, sida qoomiyadaha ama dadyowga kale ee dunida ilaahay ku uumay, waxaa umada soomaliyeed oo iyagu dhaqan iyo diin , midab iyo afba wadaaga, waxay isu taageen sidii ay isaga tuuri lahaayeen, kala qoqobkii iyo kala qaybintii gumaysiga, taariikhdu waxay qiraysaa in dadka soomaliyeed ay yihiin dad aan marnaba ku milmin jinsiyada iyo qoomiyadaha kale, taas waxaa markhaati u ah in umada soomaliyeed oo mudo badan gumaysigu isku deyeey inuu badelo afkooda iyo diintooda aanay sinaba ugu suurto gelin, marka la eego umadaha kale ee aan deriska nahay ama qaarada Afrikaba dhamaan dadyowga iyo isirada ku nool waxaa gumaystuhu ka bedelay afafkii ay lahaayeen oo manta markaan eegno dowladaha africaanka badankoodu waxy ku hadlaan afafka ay gumaystayashii uga tageen, sida Engiriisi, Franch, Portaqiis, iyo wixii la mida, waxaa kale oo adeegayaashii (missionary or messengers) kiristaanku dadka africanka ah dhamaan ku hanuuniyeen diimahoodii sida diinta kiristanka, laakiin dadka soomalida si walba gumaysigu ha yeelee wuxuu marnaba ka duwi kari waaayey dhaqankoodii, afkoodii iyo diintoodii. Umada somaliyeed ee sidaa u hal adkayd kuna baraarugsanayd ilaalinta dadnimadeeda iyo diinta, waxay hanatay dowladnimadeedii badhtamihiiqarnigii 19,aad, intaa ka dibna waxaa umada soomaliyeed ku dhaqaaqday dhismaha qaran loo siman yahay, si kasta ha u kacaa kuftee waxa la abuuray nadaam dowladnimo oo lagu wada qanacsan yahay, umadaha aduunkuna ay qadariyaan dadka soomalieedna ku faano laggana haybadaysto, dawlado ayaa xilka iska bedelay si hanaan doorasho oo democracy ah, dadkuna ay codkooda iyo rabitaankooda ku doortaan cidii talada ay u dhiibanayaan, Laakiin rajada iyo kalsoonidaasi ma noqon mid sii waarta, waxaa umada soomaliyeed xukunkeedii maroorsaday dowlad milateri ah oo markii hore loo arkaayey inay horukac iyo badhaadhe u horseedi doonto dalka iyo dadkaba, wax umada loogu sheegay kacaan isbedel iyo hanaan dowladnimo horseedaya ayaa wixii tacabka loo soo galay mar keliya ku habsaday, wax walbana sidii ay u socdeen ka leexiyey, mabaadii iyo aragtiyo laga soo xigtay duni kalena durbaanada u qaatay, xukun iyo nidaam keli talisnimo ayaa umadii hor booday, sida qoryo ismariska (waraabe-dadowgaa) ayaa umadii marba midab loo yeelay oo si loo jaha wareeriyo marba dhinac loo jeediyey, mudo yar dabaded dadka soomaliyeed ee in-dheer-garadka ahaa waxay arkeen sida wax u socdaan, laakiin afduub, dil, cabudhin, kala qaybin , iska horkeen iyo masaafurin buu taliskaasi miciin biday.bulshadii somaaliyeed ee nafta iyo maalka u soo huray dowladnimadeeda iyagoo wada jirana soo dhacsaday xoriyadoodii ayaa taliskaasi iska horkeenay oo kala qoqob iyo isnacayb ku beeray, taladii wadankuna waxay ku soo ururtay in yar oo arxan laawayaal ah oo uu horkacayo macangagii Maxamed Siyaad Barre, wax-garadkii somalieed waxay noqdeen wax wadanka debediisa isaga cararay wax la laayey, wax jeel gunta loo dhigay iyo wax miyirkii qoonmay oo cadho iyo muraara dilaac meel iska yuurursaday,dadkii somaalieed ee isku noolka ahaa waxaa la kala dhex dhigay nacayb iyo colaad,si walba marka loo eego waxaa la soo gaadhay waqti umadii wax wada lahayd laga dhigo cadow is eeganaya oo qabiilo iyo gobolo u kala yaala hubkana iyagu isu haysta. Wax walba oo umada soomalieed wadaagaysay waxaa ka qaalib noqday qabiil iyo reer hebel taasina may suura gelin in la sii haysto nidaamkii dowladnimo ee umadu u soo tacabtay, dagaalo gacan ku rimis ah ayaa bilowday, inkastoo dadka somaalida ay wada arkayeen sida uu gacanta uga baxay dowladnimadoodii hadana taliskaa macangaga ahi wuxuu isku deyeey in dadka qaarna u arko cadow qaarna Sax maaha in qabiil, ama qoys, lagu eedeeyo wixii uu Naxariis laawihii , keligii taliska ahaa ee siyaad bare umadan somaliyeed u gaystay , oo 27sano ka bacdi aan bogihii la dhayin dawana ilaa hada muuqan , waayo sidii wax loo dhigay baa sidaa ahayd oo wuxuu ugu talagalay inaan cidi ka danbayn , laakiin waxaa yaab leh ninka isagub aniga iyo adiga kula mida ee aan dowlad iyo kala danbayn hayn ee hadana -mahadinaya wixii taliskaasi gaystay – somalidu laba maaha ee waa mid gidigoodna waxay dulmane (Victim) u yihiin wixii uu daaquudkii siyaad bare gaystay – taas baana aniga iyo adigaba noo taala inaan marka hore isla fahano bilowga ( route cause) waxii somaliya ku dhacay, dabeedna inago somali ah aan daawo raadino , laakin hadii midkeena u mahad celiyo siyaad bare iyo wixii uu qabtay iyo wixii uu ka tegay midkeena farta ku fiiqo meel kale oo aan cudurku jirin, qaarkeen u arkaan in iyaga (qabiilkooda) wax loo gaystay oo somalida kalena aanay waxba qabin –dee markaa sidaasi somalinimadu ku imaan mayso , dabcan degaanada somaliyeed waa u kala badnaayeen wixii dhib uu gaystay siyaad bare laakiin dhibtu hada way wada haysataa oo waxaa ka wada burburay nidamkii dowladnimo ee mudo dheer ay ku soo tabcayeen. Umada somaliyeed inteeda caqliga u saaxiiba way ogyihiin meeshii laga qaniinay oo fartu boogta way dul taalay lamase taaban karayn waqtigeedii , welina la isma dareensiiyo oo indhaha waa laga meer meeriyaa –xasuuqyadii Mudug, Galgaduud , Sanaag iyo halaagii gobolada togdheer iyo waqooyi galbeed ka dhacay , markay dhacayeen , hadii ay ahayd inaan xiligaa la hadli Karin , maxaa hada loo mahadiyaa taliskii gaystay waxaas oo dhiba, maxaase anigu aan weli u dareemayaa oo adigana aad ugu mahad celinaysaa , ma soomali baynaan wada ahayn , mise cid gaara bay wax yeeshay xasuuqyadaasi, jawaabtu waa maya ee cid ka badbaaday ma juirto waase look ala badnaa , waxa dhacayeyna waxay ahaayeen wax soomali oo dhan raad ku reebaya oo taas weli aan la “ax,ax” leenahay waa wixii uu gaystay kelitaliye siyaad bare iyo intii la shaqaynaysay. Bal xusuuso ama taariikhada ka baadh hadii waqtigaa aanad jirin 1976 wixii ka dhacay arlada somaliyeed, Somalidu weli kamay istaaqfuralaysan , mana ay nacladin dilkii wadaadii somaaliyeed ee xaqa ku adimay, kitaabkii ilaahay ee Siyaad bare beeniyey way duuban tahay khudbadii isagoo leh waxan (Quraanka) ee la idinku hsubay waa la idinlka shubi doonaa , waxaana la idinka dhigayaa kuwo u hogaansan mabaadii,ada Hantiwadaaga (Linen & Markiz ) Hooska eeg liiska mujaahidiindii (colimadii ) la laayey ka dib markay ka soo horjeesteen wixii uu daaquudkii siyaad bare umada ka kaga leexinaye jidka toosan , halkaasi waxay ahayd godkii somalida laga qaniinay iyo weliba meeshii giraantu ka leexatay (the turning point)
  1. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Xaaji Cusmaan,
  2. Sheekh Axmed Iimaan
  3. Xasan Ciise Jilibey
  4. Sheekh Maxamed Siyaad Xirsi
  5. Cali Jaamac Xirsi
  6. Cali Xasan Warsame
  7. Ya-asiin Cilmi Cawil
  8. Aadan Cali Xirsi
  9. Suleymaan Ja-amac Maxamed
  10. Sheekh Muuse Yuusuf.
Somali meelkasta ha joogeen , gobol, degmo iyo tuulo, wixii burburintii dowladnimada somaliya gaysatay oo uu masuuliyadeeda lahaa macangagii siyaad bare way wada taabatay oo cid ka badbaaday majirto –shalay (25-01-2017) qaraxii dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay muqdisho waxaa sababay, manjaxabintii dowladnimadii somaliyeed uu ku sameeyey keligii taliye siyaad bare, Somaliyaad ogaada waxa inaga khaldan oo aan ka istaqfuralaysano hadii kale aan ku socono jidkaa dhibta badan . W/Q: Maxamed Ali Samatar Hargeysa, Email: karin1826@live.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Goojacade.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here