GOGOSHII BURCO IYO FASHILAADAHA KU XEERAN IYO SAAMEYNTA KULMIYE

0

Gogoshii Burco ee Madaxweyne Siilaanyo u dhigay Beesha Dhulbahante ayaa ku sii siqaysa wadadii fashilka iyo dib u dhaca. Gogoshan oo waqtigeedu ahaa 25 Oktoobar ayaa waxaa ka dhiman 15 casho, iyadoo aanay weli muuqan wax diyaargarow iyo rabitaan ah oo ay muujinayaan Beelaha Dhulbahante oo ay ka dhex jirto kala aragti duwanaansho qoto dheer oo aan mudada Xukuumadan u hadhsan ku dhamaan karin. HESHIISKII AWRBOOGEYS Beelaha qaarkood waxay aaminsan yihiin inay heshiis la galeen Xukuumada Somaliland sidaasdarteed waxay taageersan yihiin Qodobadii Heshiiskii Awrboogeys, waxayna ku doodayaan inay waajibaadkii iyaga saarnaa ay ka soo baxeen sida Somalilandnimaddii iyo Diiwaangelintii Doorashada, Xukuumadana laga sugayo inay fuliso heshiiskii ay la gashay qaybtii iyada laga sugayey fulinteeda. Qaybtani Gogosha Burco waxay u aragtaa marmarsiinyo iyo caqabad lagu majo xaabinayo Heshiiskii Awrboogays, umana muuqato wax cusub oo ay kaga hadlaan Gogosha Burco iyo tegisteedaba. KHAATUMO IYO CALI KHALIIF Kooxda Khaatumo iyo Cali Khaliif Galaydh ayaa iyana ku doodaya inay yihiin maamul shacabku doortay, sidaasdarteed ay wadahadal kasta oo Somaliland lala gelayo iyaga loo daba fadhiisto, waxayna ku dacwoonayaan in Somaliland ay shacabkoodii fadhataysanayso, waxayna sheegayaan in aanay Gogosha Burco imanayn hadii aan dadkooda loo soo celin. Ma jirto Maamul Khaatumo la yiraahdo oo haysta kalsoonida iyo taageerada shacabka Degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn, aan ka ahayn sheegasho. BUUHOODLE Shacabka Gobolka Cayn waxaa beryahanba u socday shirar hoosaad, waxay cadeeyeen in aan Cali Khaliif metelin, wadahadalka uu Somaliland la furayna aanu khusaynin, waxayna ku baaqeen in bulshada SSC ay isugu timaado Shirweyne ka dhaca Magaalada Buuhoodle. Degaankani wuu ka feker iyo aragti duwan yahay degaamada kale, waxaana saameyn ku yeeshay dagaaladii ay Somaliland la galeen, Burco kaalayana maaha mid ka bisil degaankooda. XUBNAHA GOLEYAASHA Xubnaha Goleyaasha Somaliland degaamada SSC kaga jiraa badankoodu waxay diyaar u yihiin oo sugayaan in loo diro hirgelinta Gogosha Burco, waxayna xarfaan ku yihiin isu keenista xubno aan shacabka iyo degaamada metelin ama raali ka ahayn oo ay WARAABE U TAAG Somaliland uga dhigaan, xitaa haddii ay kusii kala fogeynayaan degaanka iyo Somaliland. Somalilandna waxaa caado u ah in aanay kala saarin xubnaha u shaqeeya ee iyaga ku qancinaya siyaasadooda iyo qabiilka iyo danihiisa, arintanina waxay ka mid tahay sababaha keenay inay fashilmaan isku dayo badan oo horay loo soo sameeyey. SAAMEYNTA XISBIGA KULMIYE Degaamada Isdiiwaangeliyey oo ah Sool iyo Sanaag waxay u badan yihiin degaamadii ku qancay heshiiskii Awrboogeys oo fuliyey qodobadii khuseeyey sida Diwaangelintii, talaabo kasta oo ay u arkaan inay dhinac marsan tahay sidii lagula soo heshiiyey ama Shirar WARAABE U TAAG ah oo la abaabulo, waxay meesha ka saaray kalsoonidii ay ku qabeen Heshiiskii Awrboogeys ee dhaliyey isdiiwaangelinta. Maadaama la galay xiligii doorashada arintan haddi lagu talaabsado waxay dhalinaysaa in qaybo badan oo ka mid ah shacabka Sool iyo Sanaag ay lumiyaan taageeraddii ay u hayeen Xisbiga Kulmiye oo xukuumada hadda talada haysaa ka soo jeedo. Isku soo wada duubo todobaadka soo socda ayey kala cadaan doonta talaabada Xukuumadu ka qaadato heshiiskii Awrboogeys iyo Gogoshii Burco marka ay soo guryo noqdaan Madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga la socdaa.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here