Golaha PCTA oo cabasho u gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Puntland[Sabaab]

0

KA: Puntland Citizens’ Think action Ku: Golaha Wakiilada Puntland, Garowe, Puntland, Somaaliya Og: Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland, Garowe, Puntland, Somaaliya Og: Isimada Puntland Og: PUNSAA Og: Puntland Social Media     Ujeedo: Tabasho Muwaadiniin (citizens’ concern)   Puntland Citizens’ Think Action ee  Qaaradda Ameerika, fadigooduna yahay Minneapolis, MN, USA, waxey  wakiilada Golaha Shacabka u soo gudbineynaa dhawrakan tabasho ee soo socda inay jawaab naga siiyaan.  Sida dastuurku qabo, muwaadinku wuxuu xaq dastuuri ah u leeyahay su’aalaha ama cabashada uu qabo inuu u soo jeedin karo Golaha wakiilada, G/wakiiladana  looga baahan yahey  iney  mudo 90 cisho ah jawaab uga baxiyaan waxa la soo weydiiyey ama cabashada.
  1. Ka diba markaan aragney iska hor imaadkii baahsanaa, khal iyo walaacna geliyey shacabka Puntland, ee dhex marey Golaha Xukuumadda iyo Golaha Shacabka, keenteyna in xasaanaddii kala laabtaan golaha wasiirada adinkoo qodobo dastuuri ah u cuskanaya – sida hawla-gudasho la’an, musuqmaasuq baahsan, amni daro, mushaar bixin la’an, maareen la’anta dhaqaalaha, iwm;
 
  1. Ka dib markaan aragney in Golaha wakiiladu  lacagtii ay  daba joogeen ee  Dubai World,  dhameedna 15 malyan ee doolarka Mareykanka, aheedna hanti qaran, wali shacabka u cadeyn meel cirib iyo jaan dhigtey;
   
  1. Markaan aragney ka dib markii Golaha wasiiradda aad kal dirteen – in Golaha Wakiiladdu lacag dhan 2 malyan , dabcan hanti qaran ah, ka qaadateen xukuumaddii aad isla lacagtaas cadeynteeda u daba joogteen;
 
  1. Ka dib markaan aragney in isla golahii wasiiradii aad xasaanadda kala noqoteen 21 cisho ka hor aad dib u wada ansixiseen;
 
  1. Markaan aragney in mashaariicdii Dubai World iyo CCICC aad si aqlbyad leh u ansaxiseen balse shaacabka reer puntland aysan waxl nuqul ah iyo warbixin ah ka heen heshiisyadan saameenta dheer ku leh muwaadiniinta nool, kuwa soo koraaya, iyo  dhasha dambee ee dhalaneesa.
Tabashada u baahan inaad nooga soo jawaabtaan: Oraah Soomaaliyeed baa leh  “  La xisaabtan ma xuma ee wax isweydaaris baa xun”. Danta guud waa mid shacab iyo dawladba ka dhaxeesa. Dawladdu waxey shaqaale u tahey oo xukuma , mushaarkana siiya waa  shacabka, laakin maxaad moodaa in sida kale ay u shaqeeso marka la fiiriyo ummadda soomaaliyeed. Hadaba Majliska oo afkaartaas ka duulaya, idinka rajeenayan  inaad si xushmad iyo qadarin muwaadin ku fadhida aad jawaab cad naga soo siisaan arimahan;
  1. Halkee lacagihii Dubai World shacabka ugu deeqdey ee 15 malyanka US doolarka ahaa ku dambeesey; ma akoon adwladda ayey ku sugan tahey mise akoon qof shaqsi ah. Waxaan ognahey in 5 malyan oo lacagtaa ka mid ah loogu tala-galey in mag dhaw loo siiyo dadka dhulkooda Dekadu qaadatey. Halka 10 malyan oo kalena loogu tala galey horumarinta Puntalnd.
 
  1. Qodobkee Golaha Wakiilada u saamaxey in Hanti shacab oo dhan 2 maylan oo doolarka Mareyknaka ah maslaxaad uga qaataan xukuumadda.
  2. Ma gunno aad laheedn baa, ma mushaar baa;
 
  1. Haddii ay gunno ama mushaar aheed, soo ciidankii oo mushaar la’aanta ah oo sadexda furin difaaca ugu jira golihiin kama mudneen;
 
  1. Ma laaluush ahaan baa u qadateen sida shacabku qabo, dhaqankiina ka muuqata oo ay markhaati ka tahey inaad mar qura joojiseen arrimihii doodihii ka wax ku saxeeseen ee keentey in xukuumadda wasiiradeedii la ka diro.
 
  1. Heshiisyada DW iyo CCICC ee Golaha wakiiladdu ansaxiyey ka dib iska dab qaad xukuumadda iyo Golahiina:
 
  1. xubnahu wakiiladdu noqolada heshiisyada ma heesteen intaan cod-u-qaadistu dhicin;
  2. haddii xubnuhu heleen noqulada heshiiska, imisaa saac ka hor cod-u-qaadista ayey heesteen inay aqriyaan
  3. Haddii xubnaha wakiilada heesan noqulka heshiisyada; sidee ugu codeeyeen heshiis 30 sano ah
  4. Heshiisyada DW Iyo CCICC intaan la idin horkeenin, qof am heyda aqoonta dhaqaalaha xirfad ku leh (CBO) qiimeyn ma ku sameeyey.
 
  1. Ansaxinta Golaha wasiirada ee August 7, 2017
  2. Maxey ku dhacdey inaad ansaxinsaan golihii wasiiradda aad xasaanadda ka qaateen 21 cisho ka hore
  3. Ma 21kii cisho ayaa wasiiraddu saxeen waxey xasaandda ku waayeen oo ahaa:
  4. Karti xumo iyo xil gudasho la’aan
  5. Musuq maasuq
  • Amni daro
  1. Dhaqaale xumo
  2. Mushaar bixin-la’aan iyo qorshe xumo
  3. Maadaama Golaha Wakiiladu shacabka matalaan, ma shacabka ayaa kalsooni ka hesheen ay ku doonayaan in dib xasaanaddii loogu siiyo isla wasiiraddi aad horey u ceyriseen sabaha ku xusan 4 (b).
  4. Maxey golaha wakiiladdu ka leeyihiin, shacabka reer puntland fakirka ay aamisan yihiin ee ah in Golahu laaluushka ay qaateen darted u soo celiyeeen golah wasiiradda. Kuwaasoo 95% dib u soo laabtey.
  5. Maxaa isbedel ah oo sameyseen. Soo meeshii hore jog ma aha arrintu marka laga reebo in golaha wakiilada iyo xukuumaduba lumuyeen kalsoonidii shacabka.
 
  1. Makiinadaha lacagata sameeya ee Boosaaso
Waxaan rabnaa inaan ogaano in:
  1. Makiinadaha lacagta daabacda ee Boosaaso yaala ma dawladda Puntland leh  mase shaqsiyaad gooni ah;
 
  1. Golaha wakiilada Puntland ma ansaxiyeen makiinadahaas iyo lacagaha ay soo saarto, mase waa mid aan golahu ansaxin.
 
  1. Haddii makiinadahaas dad gooni u leeyahey, golaha wakiiladuna ansaxiyeen, maamulkeeda iyo awooda lacag soo saarkeeda yaa gacanta ku haya. Hantiilayaasha makiinadahase KHIDMO intee le’eg bay ku leeyihiin lacagta ay makiinaduhu soo saaraan.
 
  1. Hanatiilayaasha makiinadaha lacagta iyo caali’laddooda – ma ku jiraan saraakiil ka tirsan 3 gole ee dawladda Puntland sida golaha xukuumadda, Golaha wakiilada, ama golaha maxkamadda.
Waxaan idnka fileynaa inaad  jawaab waafiya oo qoraal ah naga siisaan suaalahaas kor ku xusan maadaam aan nahey muwaadiniin reer Puntland ah. Jiritaanka Puntland waa ku muqadis dawlad iyo shacabba. War helaa talo hela!   Bilaah tawfiiq. Citizens’ Think action
Abdirizak Janagale
  Goojacade.com Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here